Ka qoqobista bulshada

Lærerinnhold

Tips til undervisningen

Snakk sammen

Det er foreldrene som har tatt valget om å flytte seg og familien til et nytt land og en ny kultur. Det er viktig å snakke om uunngåelige følger av dette. Barna vil vokse opp i et samfunn med kanskje helt andre verdier og normer enn det foreldrene er vant med. Nyankomne foreldre må tenke gjennom mulige konsekvenser av det valget de har tatt på vegne av barna og seg selv.

Det finnes minoritetsrådgivere på noen ungdomsskoler og på noen videregående skoler. Minoritetsrådgiverne har kompetanse på problemstillinger knyttet til negativ sosial kontroll, tvangsekteskap og æresrelatert vold, og samarbeider tett med skolens elevtjeneste. Minoritetsrådgiverne kan gi råd og veiledning til elevene.

Tips til undervisninga

Snakk saman

Det er foreldra som har teke valet om å flytte seg sjølve og familien til eit nytt land og ein ny kultur. Det er viktig å snakke om dei uunngåelege følgjene av dette. Barna vil vekse opp i eit samfunn som kan ha heilt andre verdiar og normer enn dei foreldra er vane med. Foreldre som nyleg har kome til Noreg, må tenkje gjennom kva følgjer det valet dei har teke på vegner av barna og seg sjølve, kan få.

Det finst minoritetsrådgjevarar på nokre ungdomsskular og vidaregåande skular. Minoritetsrådgjevarane har kompetanse på problemstillingar som gjeld negativ sosial kontroll, tvangsekteskap og æresrelatert vald, og dei samarbeider tett med elevtenesta på skulen. Minoritetsrådgjevarane kan gje elevane råd og rettleiing.

Læreplan

Grunnleggende ferdigheter

Muntlige ferdigheter
Digitale ferdigheter

Tverrfaglige tema

Folkehelse og livsmestring

Læreplan i samfunnskunnskap for voksne innvandrere etter integreringsloven

samtale om hva negativ sosial kontroll, vold i nære relasjoner, tvangsekteskap og kjønnslemlestelse er, om juridiske og personlige konsekvenser av dette, og om aktuelle hjelpetilbud

Kjerneelement

Individ og fellesskap

Læringsaktivitet

Muntlig aktivitet

Ka qoqobista bulshada

En ung kvinne sitter i vinduskarmen. Hun er trist og betenkt mens hun ser ut av vinduet. Bildet illustrerer en persons manglende frihet når hun blir utsatt for negativ sosial kontroll. Foto
GettyImages

Ka qoqobista bulshada waa weer loo isticmaalo xadka ama meegaarka loo dhigo habdhaqanka iyo hab nololeedka qof kasta. Tusaale ahaan waalidka ayaa xad noocaas ah nolosha carruurta ugu dhiga barbaarintooda, bulshaduna xeerar qoran iyo kuwo aan qornayn iyo shuruuc ayay meegaar ugu samaysaa.

Waxaa mararka qaar dhici kara in carruurta, dhallinyarada ama dadka waaweyn ba xeerarka uu qoyskooda soke u dhigo inay u arki karaan inay yihiin kuwo aad u adag. Waxaa markaas xeerarka loo arkaa kuwo aan macquul ahayn, ka qoqobidda bulshadana waxaa loo arkaa mid xun. Xadka ay dhigaan waalidka ama dadka kale ee soke ayaa isna ka hor imaan kara xadadka ay bulshadu u aragto kuwo dabiici ah. Ka qoqobista bulshadu waxay qofka ka qaadi kartaa xornimadii qofeed iyo xaqii uu u lahaa inuu ku noolaado nolol madaxbannaan. Ka qoqobista bulshadu waxay carruurta iyo dhallinyarada ka hor istaagi kartaa in ay la qabsadaan bulsho weynta norwiijiga.

Wada hadla

Merhet waa 14 sano jir oo waxay dhigataa dugsiga dhexe. Markii ay yarayd, waxay ku noolayd nolol xor ah waalidkuna xad badan uma dhigi jirin. Hadda waxay gaartay da'dii baaluqa, waxayna dareemaysaa waalidkeed inay intii hore aad uga ad-adag yihiin. Looma oggola inay saaxiibbadeed guriga u raacdo, oo waa inay guriga toos u timaaddo markay iskoolka ka soo baxdo. Waxaa khasab ku noqotay inay joojiso ciyaartii kubbadda gacanta, maxaa yeelay aabbaheed ayaan jeclahyn dabagaabka ay ku ciyaarto. Hooyadeedna teleefankeeda ayay baartaa habeen walba si ay u ogaato dadka ay la hadasho iyo kuwa ay farriimaha u dirto.

Walaalkeed labo sano ayuu ka weyn yahay. Asaga sidaas oo kale looguma ad-adka. Merhet arrintaas ayay ka xun tahay oo waxay is leedahay waalidkaa kuguma kalsoona. Ma waxay dhab ahaantii aamminsan yihiin inay wax khalad ah samayn doonto haddii aysan had iyo jeer ilaalo ku haynin?

Ka dooda xaaladda Merhet.

  • Sidee ayay waalidkeed u fikirayaan?
  • Maxaa ka imaan kara koontaroolka noocaan ah?
  • Sidee ayay Merhet iyo waalidkeed ku gaari karaan maalin sidaan ka fiican?

Labo sano kaddib:
Merhet waxay billowday dugsiga sare. Nolosheedu sidii hore waa ka sii adkaatay. Waxay aragtaa in nolol-maalmeedkeedu aad uga duwan yahay midka gabdhaha ay iskoolka isla dhigtaan ee norwiijiga ah. Gabdhaha kale ee fasalka, iskoolka kaddib ayay inta badan kulmaan, oo waxyaalo xiise leh ayay qabtaan. Sabtida iyo axadahana way isla cawa baryaan, oo waxay ka sheekaystaan wiilal iyo waxyaalaha la xirto ee cusub. Merhet waxay marba marka ka danbaysa dareemaysaa inay bulshada norwiijiga ah bannaanka ka joogto. In kasta oo ay qoyskeeda jeceshahay, haddana waxay dareemaysaa in la koontaroolo oo ay xabsi ku jirto. Waxay maqashay inuu iskoolku leeyahay la-taliyaha dadka laga tirada badan yahay. Tolow miyay la hadashaa?

  • Maxaad kula talin lahayd Merhet?

Dooro jawaabta saxda ah

Waa maxay ka qoqobista bulshada?

Dooro jawaabta saxda ah

Waa maxay ka qoqobista bulshada ee adag?

Jumladda dhammaystir

Marka qofku u arko in xeerarka uu qoyskooda soke u dhigo inay yuhiin kuwo aad u adag, waxaa ...

Jumladda dhammaystir

Ka qoqobista bulshada ee adag ...

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

Ka qoqobista bulshada ee adag waxay qofka ka qaadi kartaa xaqii uu u lahaa inuu ku noolaado nolol madaxbannaan.
Waxaa iska hor imaan kara xadka ay waalidku u dhigaan iyo midka ay bulshadu dhigto.
Dhex gelidda bulshada norwiijigu waxay fududdahay marka qofka loo geysto qoqobid bulsho oo adag.
Ka qoqobista bulshadu waa xadka ama meegaarka loo dhigo habdhaqanka iyo hab nololeedka qof kasta.