Xilligii dhexe iyo midowgii

Lærerinnhold

Tips til undervisningen

Snakk sammen

Læreren må kjenne til historien i deltakernes hjemland.

Når man snakker om svartedauden, vil det sannsynligvis være nærliggende å snakke om covid-19 og hvordan denne smitten har gått verden rundt. Man kan også snakke om samarbeid om vaksiner og tiltak på tvers av land.

Hent gjerne inn stoff fra leksjonen om religion og religionsfrihet.

Dersom det passer, kan man trekke paralleller til politikk og konflikter i deltakernes hjemland. Hvordan reagerer mennesker på at fremmede makter tar kontrollen i landet?

Tips til undervisninga

Snakk saman

Læraren må kjenne til historia til deltakarane sine heimland.

Når ein snakkar om svartedauden, vil det sannsynlegvis vere nærliggjande å snakke om covid-19 og korleis denne smitta har gått verda rundt. Ein kan òg snakke om samarbeid om vaksinar og ulike tiltak på tvers av land.

Hent gjerne inn stoff frå leksjonen om religion og religionsfridom.

Dersom det passar, kan ein dra parallellar til politikk og konfliktar i heimlanda til deltakarane. Korleis reagerer menneske på at framande makter tek kontrollen i landet?

Læreplan

Grunnleggende ferdigheter

Muntlige ferdigheter
Digitale ferdigheter

Tverrfaglige tema

Demokrati og medborgerskap

Læreplan i samfunnskunnskap for voksne innvandrere etter integreringsloven

gi eksempler på noen av de viktigste historiske hendelsene og prosessene som har dannet grunnlaget for framveksten av demokratiet i Norge  

Kjerneelement

Demokratiforståelse og deltakelse

Læringsaktivitet

Muntlig aktivitet

Xilligii dhexe iyo midowgii

Olav den Hellige faller på slagmarken. Tegning.
H. Egedius

Masiixiyaddii oo Norway timid

Masiixiyadda ayaa koonfurta Yurub ka ahayd diinta caadiga ah ee la caabudo wax badan ka hor intaysan Norway soo gaarin. Laakiin 1030-kii markii Olav Haraldsson lagu dilay goobtii Stiklestad, ayay Olav wiilkiisii kaniisaddu ka caawisay in aabbihiis wali laga dhigo. Markii danbe qaar badan oo ka mid ah beeralaydii awoodda lahaa iyo cuqaashii ayaa masiixiyadda qaatay. Markii ay kuwii xukunka hayay caqiidada qaateen, ayaa qaar badan oo dadkii caadiga ahaana sidoo kale sameeyeen. Awood aad u badan ayay kaniisaddu markiiba yeelatay. Dadkii waxay ku khasbanaadeen inay kaniisadda canshuur siiyaan, oo xataa dad badan ayaaba kaniisadda dhul siiyay. Diintuna kaalin weyn ayay ka gashay nolosha dadka caadiga ah.

Cudurkii safmarka ahaa ee svartedauden

En trapp i et trehus. En skummel kvinne som ser ond ut titter opp fra kjelleren. Hun symboliserer pesten. Tegning
Foto: Nasjonalmuseet/Morten Thorkildsen «Pesta oo jaranjarada taagan» waxaa sawiray Theodor Kittelsen.

Tirada dadka Norway ayaa badatay intii u dhexaysay sanadihii 1000 ilaa 1300 Ciise ka dib, oo waxay ahayd boqol iyo konton kun oo qof - markii danbana waxay noqotay qiyaastii afar boqol oo kun oo qof, inkasta oo aad loo dhiman jirey cudurro badanna ay jireen. Carruurta ilaa kalabbar ayaa dhiman jirey intaysan hal sano buuxin, dumar badanna way ummulraaci jireen.

Bartammihii qarnigii 14-aad waxaa soo baxay cudur safmar ah. Cudurkaan safmarka ah waxaa loogu yeeri jirey svartedauden, maxaa yeelay dadka uu cudurku ku dhaco waxaa jirkooda ka soo bixi jirey malax weyn oo midab buluug iyo madow ah leh. Dadka uu cudurku ku dhoco intooda badan waxay dhiman jireen maalmo yar gudahood. Waxaa la qiyaasayaa dunida oo dhan inay cudurkaas safmarka ah u dhinteen inta u dhexaysa toddobaatan iyo shan milyan oo qof ilaa iyo laba boqol oo milyan oo qof. Yurub qiyaastii kalabbar ayaa dadkii u dhintay. Norway waxaa cudurka u dhintay saddex dalool hal dalool ah dadweynihii waddanka.

Kaniisadda, boqorka iyo laftigii ayaa awooddii gacanta u gashay

Xilligii dhexe dadka badankoodu waxay ahaayeen beeralay. Xilligii fiikinka beeralayda badankoodu ayagaa beertooda iyo dhulkaba lahaa, laakiin hadda waxaa beeralaydii lagu khasbay inay canshuur siiyaan kaniisadda, boqorka iyo laftiga. Kii canshuurta bixin waaya, waxaa khasab ku ahayd inuu dhul bixiyo. Sidaas ayay kaniisaddii, boqorkii iyo laftigii ku sii taajirayeen marba marka ka danbaysa, meesha dadkii caadiga ahaa sabool sii noqonayeen.

Waagaan ayaa la aasaasay magaalooyinkii ugu horreeyay ee Norway. Waxaa ugu waaweynaa Bergen (Bjørgvin), Trondheim (Nidaros), Oslo, Stavanger iyo Tønsberg.

Midow

Sanadihii qarnigii 14-aad ayay Danmark marba marka ka danbaysa Norway ku soo xoogaysanaysay, laga billaabo 1397 Norway waxay la midowday Danmark iyo Iswiidhan. Midowgu wuxuu lahaa hal boqor. Iswiidhan ayaa markii danbe midowgii ka baxday, laakiin midowgii Danmark iyo Norway wuxuu socday ilaa iyo 1814-kii. Siyaasadda waxaa laga maammuli jirey Danmark. Kobbanheegan ayaa ahayd xarunta dhaqanka ee midowga, dadka norwiijiguna waxay wax ku akhrisan jireen oo wax ku qori jireen af-daanishka. Beeralayda norwiijigu waxay canshuur siin jireen boqor Kobbenheegan fadhiya, Danmark ayayna norwiijigu waxbarashada u aadi jireen.

Borotastaanka

Martin Luther i hans fødeby, Eisleben i Tyskland. Han har på seg en kappe og holder en bok. Han ser bestemt ut i lufta. Foto
GettyImages Martin Luther

1517 ayaa waxaa billowday kacdoon diimeed. Wadaadkii jarmalka ahaa ee la oran jirey Martin Luther ayaa ka hor yimid awoodda kaniisadda katooligga. Martin Luther taageerayaal badan ayuu helay. Waxaa loo bixiyay borotastaan maaddaama ay wax diiddanaayeen. Qaar badan oo ka mid ah boqorradii Waqooyiga Yurub ayaa taageeray Martin Luther. Boqorkii Danmark wuxuu galay borotastaanka. Borotastaanka ayaana ahayd diinta waddanka ee Norway ilaa laga baabbi'inayay nidaamkii kaniisadda waddanka taas oo dhacday sanadkii 2012.

Wada hadla

  • Sidee ayay ahayd taariikhda waddankaagi muddadaan?
  • Cudurka safmarka ah ee svartedauden ma ka dillaacay waddankaagi?
  • Ma aragtaa wax kaas lala barbardhigi karo oo maanta jira?
  • Diintu kaalin weyn ayay uga jirtay nolosha dadka. Kaniisaddu awood badan ayay lahayd. Sidee ayaad u malaynaysaa inay taasi dadka u saamaysay? Arrintaasi maanta waa sidee?
  • Sidee ayaad u malaynaysaa inuu midowgii Danmark u saameeyay dadka Norway iyo is-beddeladii bulshada norwiijiga?
To åpne hender med et trekors. Foto.
GettyImages

Dooro jawaabta saxda ah

Dad intee dhan ayaa Norway u dhimatay cudurkii svartedauden?

Dooro jawaabta saxda ah

Sanadkee ayay Norway la midowday Iswiidhan iyo Denmark?

Dooro jawaabta saxda ah

Muxuu ka soo horjeestay baadarigii jarmalka ah ee Martin Luther billowgii qarnigii 16-aad?

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

Cudurka svartedauden wuxuu dadka laynayay qarnigii 13-aad.
Dadkii Yurub qiyaastii kalabbar ayaa u dhintay cudurka svartedauden.
Xilligii dhexe beeralayda badankooda waxaa lagu khasbay inay canshuur siiyaan kaniisadda, boqorka iyo laftiga.
Midowgii Denmark wuxuu socday ilaa iyo 1905.
Borotestaanka ayaa ahayd diinta waddanka ee Norway ilaa iyo 2012-kii.

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

Norway waxay kaniisaddu awood badan yeelatay wixii ka danbeeyay sanadkii 1030-kii.
Xilligii dhexe dadka badankoodu waxay ahaayeen wadaaddo masiixi ah.
Qiyaastii kun sano ka hor carruurta ilaa kalabbar ayaa dhiman jirey intaysan hal sano buuxin.
Xilligii dhexe Bergen waxaa la oran jirey Bjørgvin. Trondheim waxaa la oran jirey Nidaros.
Dadka norwiijigu waxay wax ku akhrisan jireen oo wax ku qori jireen af-daanish waagii ay ku jireen midowga Denmark.