Dimoqoraaddiyadda Norway

Lærerinnhold

Tips til undervisningen

Utforsk den interaktive illustrasjonen av maktfordelingsprinsippet.

Se filmen

Videoen består av 14 klipp. Det første klippet viser et digitalt kart over Norge, før vi ser slottet og Stortinget. Deretter vises et klipp fra en juridisk avtale som inngås, og vi ser et klipp med flagg fra forskjellige nasjoner i verden, før vi ser et nytt klipp av Stortinget. De neste åtte klippene viser eksempler på velferdsstaten og hva politikerne jobber for: skoler, sykehus, vannkraft og veier.

Forslag til spørsmål

Hva mener du Norge burde bruke mer penger på? Hva mener du Norge burde bruke mindre penger på?
Hva er positivt med at skoler og sykehus er gratis? Finnes det noe negativt?
Hvem burde bestemme hva man lærer om på skolen? Hva bør de som bestemmer tenke på?

Snakk sammen

Folket velger politikere som bestemmer ting som igjen påvirker hverdagen til folket. Hvilke partier flertallet stemmer på, får betydning for politikken i Norge og dermed folks hverdag.

Vi er alle med på å påvirke små og store saker både lokalt og nasjonalt gjennom stemmene våre. Alt er politikk: barnehagepriser, ordninger hos Nav, skatter og avgifter osv.

Tips til undervisninga

Utforsk den interaktive illustrasjonen av maktfordelingsprinsippet.

Sjå filmen

Videoen er sett saman av 14 klipp. Det første klippet viser eit digitalt kart over Noreg, før vi ser Slottet og Stortinget. Deretter ser vi inngåing av ein juridisk avtale og flagg frå forskjellige nasjonar i verda, før vi ser eit nytt klipp av Stortinget. Dei neste åtte klippa viser døme på velferdsstaten og kva politikarane jobbar for: skular, sjukehus, vasskraft og vegar.

Framlegg til spørsmål

Kva meiner du Noreg burde bruke meir pengar på? Kva meiner du Noreg burde bruke mindre pengar på?
Kva er positivt med at skular og sjukehus er gratis? Finst det noko negativt?
Kven burde bestemme kva ein lærer om på skulen? Kva bør dei som bestemmer tenkje på?

Snakk saman

Folket vel politikarar som avgjer ulike ting, og desse avgjerdene påverkar så kvardagen til folket. Kva for parti fleirtalet stemmer på, har mykje å seie for politikken i Noreg og såleis for folk sin kvardag.

Vi er alle med på å påverke store og små saker, både på det lokale og det nasjonale nivået, gjennom stemmene våre. Alt er politikk: barnehageprisar, ordningane til Nav, skattar og avgifter osv.

Læreplan

Grunnleggende ferdigheter

Digitale ferdigheter
Muntlige ferdigheter

Tverrfaglige tema

Demokrati og medborgerskap

Læreplan i samfunnskunnskap for voksne innvandrere etter integreringsloven

gi eksempler på hvordan demokratiet i Norge fungerer, knyttet til de tre statsmaktene og prinsippet om maktfordeling, politiske partier og valgordningen

Kjerneelement

Demokratiforståelse og deltakelse

Læringsaktivitet

Muntlig aktivitet
Utforsking
Video

Filinka daawo

Dimoqoraaddiyadda Norway

Oslo sett i fugleperspektiv. Bildet er tatt fra luften over vannet ved Oslo Rådhus. På bildet kan vi se tusenvis av tusenvis av boliger og bygg i Oslo. Foto
GettyImages

Qaranka, golaha deegaanka gobollada iyo degmooyinka

  • Norway waxay ka kooban tahay 15 gobol iyo 356 degmo (1.1.2024).
  • Gobollada iyo degmooyinku waa aagag juqraafi iyo unugyo siyaasad lagu maammulo.
  • Inkastoo dawladdu waxyaalo badan go'aamiso, haddana waxaa jira arrimo ay golayaasha deegaanka gobollada iyo degmooyinku xaq u leeyihiin inay ayagu go'aan ka gaaraan.
  • Dawladda ayaa xad u dhigta golaha deegaanka gobollada iyo degmooyinka.
  • Waddanka oo dhan ayay dawladdu mas'uul ka tahay, meesha golaha deegaanka gobollada iyo degmooyinku ay mas'uul ka yihiin deegaankooda oo keliya.

Qaar ka mid ah meelaha ay dawladdu mas'uulka ka tahay

  • siyaasadda arrimaha dibedda
  • isbataallada
  • xeerarka
  • manhajka iskoollada

Qaar ka mid ah meelaha uu golaha gobolku mas'uulka ka yahay

  • waxbarashada dugsiyada sare
  • waddooyinka gobolka
En sykehuskorridor. En mann i sykepleieruniform går med ryggen mot kameraet. Han triller en tom sykehusseng. To personer i sykepleieruniform går mot kamera og snakker sammen. Foto
En bil i fart kjører på en vei. Langs veien er det autovern. I bakgrunnen kan vi se natur og et vann. Foto
GettyImages

Qaar ka mid ah meelaha ay degmooyinku mas'uulka ka yihiin

  • dugsiyada hoose/dhexe
  • xannaanooyinka carruuuraha
  • daryeelka waayeelka
  • nadaafadda iyo fogaynta qashinka, biyaha iyo bullaacadaha
  • waddooyinka degmada
Elever i klasserom som rekker opp hånda. Foto
Hjemmehjelper og eldre kvinne. Foto
GettyImages

Hoggaanka siyaasadda iyo maammulka

Dawladda, golayaasha deegaanka gobolka iyo degmooyinka waxaa hoggaamiya siyaasiyiin shacabku doortay. Taas oo la mid ah in siyaasiyiintu ka doodaan arrimo kala duwan kaddibna go'aamiyaan siyaasadda lagu maammulayo meelaha kala duwan. Laakiin hawlwadeennada - oo ah shaqaalaha dawladda, kuwa golaha deegaanka gobollada iyo degmooyinka - ayaa shaqada qabta oo fuliya siyaasadda.

Dhawr tusaale:

  • Siyaasiyiinta ayaa go'aamiya manhajka iskoolka. Macallimiinta ayaa wax dhiga ayagoo raacaya manhajkaas.
  • Siyaasiyiinta ayaa go'aamiya xeerarka loo raacayo bixinta caawinta bulshada. Shaqaalaha Nav waa inay raacaan xeerarkaas.

Stortinget

Golaha shacabka ee Norway waxaa la dhahaa Stortinget. Stortinget waxaa fadhiya 169 wakiil oo ay shacabku soo doortaan afartii sanaba mar. Wakiillada golaha shacabku waxay matalaan xisbiyo siyaasadeed oo kala duwan. Stortinget ayaa ah awoodda dawladeed ee Norway ugu sarreeya.

Hawlaha ugu muhiimsan ee Stortinget waa

  • ansixinta xeerarka cusub iyo beddelidda xeerarkii hore
  • ansixinta miisaaniyadda qaranka
  • koontaroolidda dawladda iyo maammulka qaranka
  • ka doodista mas'alooyinka siyaasadeed iyo mashaariicda waaweyn

Dimoqoraaddiyadda Norway waa mid loo siman yahay. Qofkii doona ayaa imaan kara Stortinget oo dhegaysan kara siyaasiyiinta oo ka doodaya arrimo kala duwan. Laakiin dadweynaha looma oggola inay Stortinget arrimo uga hadlaan ama fikraddooda uga dhiibtaan. Arrimo badan ayaa loo diraa dhegaysi dadweyne. Halkaas ayay khuburrada iyo dadka caadiga ahba fikradahooda ku dhiiban karaan.

Bilde av Stortinget. Bygget består av et stort, rundt bygg med fløyer på begge sider. Foran ligger en åpen plass som heter Eidsvolls plass. Foto
GettyImages Stortinget
Stortingssalen med representantene. Foto.
Morten Brakestad/Stortinget

Dawladda

Doorashada golaha shacabka kaddib ayaa hal ama dhawr xisbi dawlad dhisaan. Dawladdu waxay ka kooban tahay wasiirrada (hoggaamiyaha siyaasadda ee wasaarad walba) iyo ra'iisulwasaaraha. Mid ka mid ah hawlaha dawladda ayaa wuxuu yahay inay soo jeediso xeerar cusub iyo wax-ka-beddelid lagu samaynayo xeerarka, laakiin Stortinget ayaa ansixiya xeerarka iyo wax-ka-beddelidda xeerarka. Dawladda waxaa looga baahan yahay inay fuliso arrimaha uu Stortinget ansixiyo. Waxaa kale oo ay dawladdu sanad walba diyaarisaa soojeedinta miisaaniyadda qaranka.

Shirka golaha wasiirrada

kongen, kronprinsen og regjeringen i statsråd. Foto
Håkon Mosvold Larsen/NTB

Jimce walba boqorka ayay dawladdu la shirtaa. Halkaas oo ay wasiirradu boqorka ku wargeliyaan arrimo siyaasadeed oo kala duwan. Shirarkaan ayaa loogu yeeraa shirka golaha wasiirrada. Boqorku ma laha awood siyaasadeed oo badan, laakiin haddana shirarkaani waa muhiim.

Mabda'a qaybsiga awoodda

Mabada'a qaybsiga awooddu wuxuu awoodda u kala qaybiyaa saddex laamood oo kala madaxbannaan:

  • laanta sharcidejinta – Stortinget – oo sharciyada ansixisa.
  • laanta fulinta – dawladda – oo soo jeedisa xeerarka kuna shaqo leh hirgelintooda iyo fulintooda.
  • laanta xukunka – maxkamadaha – oo xukunta kiisaska maxkamadaha ayadoo raacaysa xeerarkii uu Stortinget ansixiyay.

Marka awoodda loo kala qaybiyo saddexdaan laamood, midkoodna keli uma yeelanayo awood dheeri ah. Sidaas ayaana lagu hubinayaa dimoqoraaddiyadda.

Wada hadla

  • Ka wada hadla unugyada hoggaanka ee waddammada aad taqaanno.
  • Ka dooda sida ay awooddu Norway u kala qaybsan tahay.
  • Ka dooda hawlaha ay dawladda, golaha deegaanka gobollada iyo degmooyinku u qabtaan bulshada samafalku ka jiro.
  • Sidee ayaad u saamayn kartaa bulshada aad ku nooshahay?
  • Arrimaha heer deegaan iyo kuwa heer qaran kuwee baa kula fudud in saamayn lagu yeesho? Sheeg sababta?
Folk som demonstrerer og roper slagord. Foto.
GettyImages

Dooro jawaabta saxda ah

Waxyaalahan kuwee ayay dawladdu mas'uul ka tahay?

Dooro jawaabta saxda ah

Sheeg magaca golaha shacabka ee Norway?

Dooro jawaabta saxda ah

Waa maxay wasiir?

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

Qofkii doona ayaa imaan kara Stortinget oo dhegaysan kara siyaasiyiinta oo ka doodaya arrimo kala duwan.
Stortinget ayaa rida xukunka maxkamadaha oo isagaa ah laanta xukunka.
Mabada'a qaybsiga awooddu wuxuu awoodda u kala qaybiyaa saddex laamood oo kala madaxbannaan, si uusan midkoodna keli u yeelan awood dheeri ah.
Jimce walba boqorka ayay dawladdu la shirtaa.
Boqorka ayaa sanad walba diyaariya soojeedinta miisaaniyadda qaranka.

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

Ansixinta miisaaniyadda qaranka ayaa ka mid ah hawlaha Stortinget kuwa ugu muhiimsan.
Stortinget waxaa fadhiya 169 wakiil oo markiiba siddeed sano wax maammula.
Dawladda, golaha deegaanka gobollada iyo degmooyinka waxaa maammula siyaasiyiin shacabku soo doortay.
Norway waxay ka kooban tahay 16 gobol.
Gobollada iyo degmooyinku waa aagag juqraafi iyo unugyo siyaasad lagu maammulo.