Dhaqaalaha qofka

Lærerinnhold

Tips til undervisningen

Snakk sammen

Eksempler på inntekter: lønn, barnetrygd, pensjon
Eksemplerpå utgifter: boutgifter, strøm, transport, mat, fritidsaktiviteter, klær, reparasjoner, møbler, reiser

For å spare kan man f. eks. redusere forbruket eller kjøpe klær, utstyr og møbler brukt. Barna kan arve klær. En kan spare på strømmen (slå av lyset, redusere innetemperatur), sykle eller gå istedenfor å bruke bil, handle på tilbud og handle matvarer planlagt og sjelden.

Tips til undervisninga

Snakk saman

Døme på inntekter: løn, barnetrygd, pensjon
Døme på utgifter: buutgifter, straum, transport, mat, fritidsaktivitetar, klede, reparasjonar, møblar, reiser

For å spare pengar kan ein til dømes redusere forbruket eller kjøpe klede, utstyr og møblar brukt. Barna kan arve klede. Ein kan spare på straumen (slå av lyset, redusere innetemperaturen), sykle eller gå i staden for å bruke bil, handle på tilbod, planleggje matvareinnkjøp og handle matvarer sjeldan.

Læreplan

Grunnleggende ferdigheter

Muntlige ferdigheter
Digitale ferdigheter

Tverrfaglige tema

Folkehelse og livsmestring

Læreplan i samfunnskunnskap for voksne innvandrere etter integreringsloven

samtale om hvordan arbeid, inntekt og forbruk kan påvirke personlig økonomi, levestandard og livskvalitet

Kjerneelement

Individ og fellesskap

Læringsaktivitet

Muntlig aktivitet
Utforsking

Dhaqaalaha qofka

Sedler, norske penger. Illustrasjonsfoto.
GettyImages

Dakhligu waa lacagta ku soo dhacda koontadannada bangiga oo dhan (mushaar, lacagta caymiska dadweynaha, ama lacagaha kale ee ka yimaada Nav, lacagta carruurta, lacagta caawinta carruurta iwm.).


Kharashku waa wax walba oo aan lacag ku bixinno (kiro guri, dulsaar iyo amaahda kis-kista loo bixinayo, cunto, dhar, gaadiid, koronto, internet, firfircoonida wakhtiga firaaqada la yahay iwm.).

Mushaarka canshuurta ka hor: Mushaar intaan canshuurta laga goyn

Mushaarka canshuurta kaddib: Mushaar marka canshuurta laga gooyo kaddib

Dakhli iyo kharash

Norway noloshu waa qaali. Qoysaska badankoodu labada waalidba waxay ka shaqeeyaan guriga bannaankiisa ayaga oo haya shaqo ay ku mushaaran yihiin. Qoysaska qaar ayay hooyo iyo/ama aabbe fursad u helaan in ay shaqo aan buuxin shaqeeyaan marka carrruurtu yaryar yihiin (shaqo bar ah), meesha ay qaar badan ku khasban yihiin inay shaqo buuxda shaqeeyaan si dhaqaalaha qoysku isu kabo. Labada qof ee waaweyn ee qoyska labadaba mas'uuliyad ayaa ka saaran dhaqaalaha qoyska.

Norway dadka waaweyn badankoodu bishiiba mar ayay helaan mushaar, lacagta caymiska dadweynaha ama lacagta hawlgabka. Haddii ay leeyihiin carruur ka yar 18 sano, waxaa kale oo qoyska la siinayaa lacagta carruurta. Carruurta yaryar ee aan xannaano carruur dhigan waxaa waalidka lagu siiyaa lacagta caawinta carruurta oo buuxda.

Lacagta carruurta: Caawin dhaqaale oo la siiyo dhammaan carruurta ay da'doodu ka yar tahay 18 sano ee Norway ku nool. Waxay gacan ka geysanaysaa daboolidda kharashka ilmaha.


Lacagta caawinta carruurta: Caawin dhaqaale oo la siiyo dhammaan carruurta ay da'doodu u dhexayso hal sano iyo laba sano ee aan xannaano carruur dhigan. Hadduu ilmuhu gelin tago xannaanada carruurta markaas waa laga dhimayaa lacagta caawinta carruurta.


Bogga internetka ee Nav ayaad ka helaysaa warbixin intaan ka badan oo ku saabsan lacagta carruurta iyo lacagta caawinta carruurta.

Koonto bangi

Dhammaan dadka waaweyn ee Norway jooga waxay leeyihiin koonto bangi. Carruur iyo dhallinyaro badan ayaa ayaguna leh. Markaan helno mushaar, lacagta caymiska dadweynaha ama lacagta hawlgabka - waxay lacagahaasi toos ugu dhacaan koontada bangiga. Si qofku koonto bangi Norway uga furto wuxuu u baahan yahay lambar dhalasho oo norwiiji ah ama lambar D oo norwiiji ah.

Bangiga internetka

Dadka waaweyn intooda badan waxay isticmaalaan bangiga internetka. Halkaas ayaan kala socon karnaa koontada bangiga, dakhliga iyo kharashka oo ku bixin karnaa lacagaha nagala rabo. Bangiga internetka waxaa laga galaa kombiyuutar, kombiyuutarka gacanta ama teleefan kuwa casriga ah. Si aad u gasho bangiga internetka waa inaad haysataa BankID leh aalladda yar ee shaashadda leh ama isticmaashaa BankID-ga teleefanka.

Amaah bangi

Norway sida caadiga ah bangiga ayaa lacag laga amaahdaa marka la gadanayo waxyaalo waaweyn sida guri iyo gaari. Marka aan lacag soo amaahanno, bangiga ayaan heshiis la galnaa. Waxaa nala siiyaa qorshaha lacagta lagu bixinayo kaas oo ay ku caddahay lacagta aan bixin doonno bil walba ama saddexdii bilood ee kasta. Waxaa bangiga la siiyaa lafihii iyo dulsaar.

Lacag kis-kis loo bixinayo: Lacagta aan bixinayno ee ah lafaha amaahda, waa deyntii oo kis-kis loo bixinayo.


Dulsaar: Dulsaar ayaan bangiga siinnaa. Dulsaarku wuxuu fuulayaa lacagtii aan amaahannay. Dulsaarku wuxuu ku salaysan yahay boqolkiiba in go'an oo ah deynta aan qabno.


Sida caadiga ah waxaa lafaha iyo dulsaarka la bixiyaa bil walba ama saddexdii bilood ee kasta.

Miisaaniyad

Miisaaniyaddu waxay tusaysaa dakhliga iyo kharashka muddo cayiman. Shirkadaha iyo shakhsiyaadka gaarka ah labaduba way samaystaan miisaaniyad. Qoysas badan ayaa samaysta miisaaniyad bileed. Waxaa markaas fududaanaya in lala socdo dakhliga iyo kharashka. Waxay qoysku qorshayn karaan sida ay lacagtooda u isticmaalayaan. Miisaaniyadda waa in ay ku jirtaa caddad lacag ah oo bil walba la kaydinayo ama loo dhigayo kharashaadka aan lagu tala gelin.

En mann og en kvinne sitter ved et bord. På bordet er det papirer og en kalkulator og en PC. De ser konsentrerte ut. De lager et budsjett.  Foto
GettyImages

Wada hadla

  • Dakhli iyo kharash noocee ah ayuu leeyahay qoyska caadiga ah ee Norway jooga?
  • Kharashaadka aan lagu talo gelin maxay noqon karaan?
  • Maxaad lacagta ugu badan ku isticmaashaa?
  • Maxaad samayn kartaa si aad u dhinto lacagta aad isticmaasho?

Qoyska Berg ayaa fadhiga wada jooga. Aabbe iyo hooyo ayaa dejiyey miisaaniyad ay ku qoreen dakhliga iyo kharashka bishaan. Marka kharashaadkii lagama maarmaanka ahaa oo dhan la daboolay, waxaa u soo haray qiyaastii afar kun oo karoon. Waxay hadda ka wada hadlayaan wixii ay lacagtaas ku isticmaali lahaayeen.

  • Hooyo waxay doonaysaa jaakad dumar oo cusub. Tii hore casri ma aha, waana duugowday.
  • Aabbe wuxuu doonayaa in lacagta meel la dhigo. Ma laga yaabaa in ay soo baxaan kharashaad aan lagu talo gelin?
  • Wiilku wuxuu jecel yahay in uu tababbarka kubbada cagta u raaco saaxiibbadiis. Markaas wuxuu u baahan yahay kabo kubbad cag oo cusub.
  • Gabadhu waxay u baahan tahay boorso iskool oo cusub. Way kortay oo dhar kale oo badanna way u baahan tahay.

Ka wada hadla sida loo baahan yahay inay qoysku mudnaanta u kala siiyaan isticmaalka lacagta.

Kvinne sitter i stua med nettbrett og papir. Budsjett. Foto
GettyImages

Dooro jawaabta saxda ah

Maxaa loola jeedaa dakhli?

Dooro jawaabta saxda ah

Maxaa loola jeedaa mushaar canshuurta ka hor?

Dooro jawaabta saxda ah

Maxaa loola jeedaa miisaaniyad?

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

Lacagta carruurtu waa caawin dhaqaale oo la siiyo dhammaan carruurta ay da'doodu ka yar tahay 18 sano.
Norway noloshu waa raqiis.
Qoysaska norwiijiga badankoodu labada waalidba waxay ka shaqeeyaan guriga bannaankiisa ayaga oo haya shaqo ay ku mushaaran yihiin.
Bangiga internetka sida caadiga ah Norway lagama isticmaalo.
Marka bangi lacag laga soo amaahsado, waxaa bangiga la siiyaa lafihii iyo dulsaar.

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

Si aad u gasho bangiga internetka waa inaad haysataa BankID.
Dulsaarku wuxuu fuulayaa lacagtii aan amaahannay.
Dulsaarku wuxuu ku salaysan yahay boqolkiiba in go'an oo ah deynta aan qabno.
Shirkadaha oo keliya ayaa miisaaniyad dejista.
Norwiijigu sida caadiga ah ma laha koonto bangi.