Waxbarashada dadka waaweyn
Waxbarashada dadka waaweyn
Bulshadu way is-beddelaysaa had iyo jeer. Tignoolajiyada cusub ayaana shaqada saamaysa. Taas oo khasbaysa in shaqaaluhu la socdaan waxyaalaha cusub ee soo baxa oo ay bartaan aqoon cusub. Dadka waaweyn waxay qaadan karaan waxbarasho gebi ahaanba cusub, tii hore ayay sii kororsan karaan ama waxay qaadan karaan maaddooyin dugsi hoose/dhexe si ay u buuxiyaan shuruudaha cusub ee shaqada. Dad badan oo waaweyn ayaa ayaguna waxbarasho sii kororsada- ama dib ugu laabta ayaga oo islamarkaana shaqeeya. In aan nolosha oo dhan waxbarasho ku jirno waxaa loogu yeeraa waxbarasho nolosha oo dhan socota.
Waxbarashada diyaarinta ah iyo midda dugsiga sare ee dadka waaweyn
Dadka waaweyn waxay xaq u leeyihiin in ay helaan waxbarashada diyaarinta ah ee dadka waaweyn (FOV) haddii aysan dugsiga hoose/dhexe horey u soo dhammayn. Waxbarashada diyaarinta ah ee dadka waaweyn waa bilaash. Degmada ayaa mas'uul ka ah in ay waxbarashadaan bixiso.
Dadka waaweyn ee jira 25 sano ama ka weyn waxay xaq u leeyihiin waxbarasho dugsi sare haddii aysan horey u soo qaadan. Waxaa shardi ah in ay dugsi hoose/dhexe uga bexeen Norway ama waddan kale ka hor inta aysan billaabin waxbarashada dugsiga sare. Maammulka gobolka ayaa waxbarashada mas'uul ka ah. Waxbarashada dugsiga sare ee dadka waaweyn ee iskoollada dawladda waa bilaash. Waxaa kale oo jira iskoollo gaar loo leeyahay. Kuwaasi bilaash ma aha.
In kasta oo iskoolku bilaash yahay, haddana dadka waaweyn waxay u baahan yihiin lacag ay ku noolaadaan. Sidaas awgeed ayay qaar badan intay iskoolka dhiganayaan waxay Khasnadda amaahda waxbarashada ka heli karaan lacag deeq iyo/ama amaah ah.
Aqoonsiga waxbarashada dibedda
Haddii aad waxbarasho ku soo qaadatay waddan kale, waxaad codsan kartaa in Norway laga aqoonsado. Waxaad codsiga u diraysaa HK-dir. Shaqaalaha caafimaadku waxay oggolaasho ka codsan karaan Agaasinta Caafimaadka.
La hadal la-taliyaha iskoolka ama la-taliyaha qaxootiga si aad warbixin intan ka badan uga hesho fursadaha aad leedahay.
Qiimaynta aqoonta dhabta ah
Aqoonta waxaa lagu kasban karaa waxbarasho iyo khibrad labadaba. Qofka asaga oo weyn Norway yimaada waxaa laga yaabaa in ay ku adkaato in uu keeno warqado caddaynaya aqoontiisa. Markaas oo kale waxaa suurtaggal ah in la qiimeeyo aqoonta dhabta ah ee qofka. Taas oo laga wado in la qiimeeyo aqoonta qofku leeyahay ayada oo la raacayo shuruudo joogto ah. Qiimayntu waxay keeni kartaa waxbarashada oo loo soo gaabiyo, in waxbarasho loo oggolaado, in qaybo waxbarashada ka mid ah laga dhaafo, shaqo cusub ama mushaarka oo loo kordhiyo. Waxaa qiimayn lagu samayn karaa heer dugsi hoose/dhexe, waxbarasho maaddo ama waxbarasho heer sare ah.
Wada hadla
- Sidee ayaad u aragtaa oraahda waxbarasho nolosha oo dhan socota?
- Ka wada hadla sida isbeddelka bulshadu u saameeyo baahida qofka gaarka ah u qabo aqoon cusub.
Dooro jawaabta saxda ah
Goorma ayay dadka waaweyn xaq u leeyihiin waxbarashada dugsiga hoose/dhexe oo bilaash ah?
Dooro jawaabta saxda ah
Yaa mas'uul ka ah fidinta waxbarashada dusgiga hoose/dhexe, ee xataa dadka waaweyn?
Dooro jawaabta saxda ah
Dadka waaweyn ee jira 25 sano ama ka weyn, waxay xaq u leeyihiin waxbarasho dugsi sare haddii aysan horey u soo qaadan. Waxbarasho noocee ah ayaa qofka looga baahan yahay si uu xaqaan u yeesho?
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?