Shaqo codsasho

Lærerinnhold

Tips til undervisningen

Se filmen

Videoen viser en kvinne sin reise fra hun finner en jobb å søke på til hun er ferdig med jobbintervju. Klippene viser kvinnen ved en datamaskin på leting etter jobber før hun sender en søknad. Så har hun et digitalt intervju. I neste klipp kan vi se at kvinnen har tatt på seg et profesjonelt antrekk. Hun går inn i en bygning og møter arbeidsgiveren, og de har et fysisk intervju. På slutten av intervjuet smiler hun og gir intervjueren et fast håndttrykk.

Forslag til spørsmål

Hvordan bør man oppføre seg på jobbintervju? Hvordan bør man ikke oppføre seg?
Hvis ville du sett etter i en arbeidstaker hvis du var sjef? Hva ville fått deg til å tenke at en jobbsøker ikke passet til jobben?
Hva tror du er lurt å skrive i en jobbsøknad? Hva bør man ikke skrive?
Kan man lære noe av å dra på jobbintervju, også hvis man ikke får jobben?
Hvilke råd ville du gitt til en venn som var nervøs før et jobbintervju?

En søknad bør inneholde disse punktene:

  • hvor du hørte om jobben
  • kort om deg selv og hva du gjør nå
  • kort om bakgrunnen din
  • beskrivelse av hvorfor du passer til jobben

Tips til undervisninga

Sjå filmen

Videoen viser ei kvinne si reise frå ho finn ein jobb å søkje på fram til ho er ferdig med jobbintervjuet. Klippa viser kvinna ved ei datamaskin på leiting etter jobbar før ho sender ein søknad. Så har ho eit digitalt intervju. I neste klipp kan vi sjå at kvinna har teke på seg eit profesjonelt antrekk. Ho går inn i ein bygning og møter arbeidsgjevaren, og dei har eit fysisk intervju. På slutten av intervjuet smilar ho og gjev intervjuaren eit fast handtrykk.

Framlegg til spørsmål

Korleis bør ein oppføre seg på jobbintervju? Korleis bør ein ikkje oppføre seg?
Kva ville du ha sett etter i ein arbeidstakar dersom du hadde vore sjef? Kva ville fått deg til å tenkje at ein jobbsøkjar ikkje passa til jobben?
Kva trur du det er lurt å skrive i ein jobbsøknad? Kva bør ein ikkje skrive?
Kan ein lære noko av å dra på jobbintervju, sjølv dersom ein ikkje får jobben?
Kva råd ville du gjeve ein ven som var nervøs før eit jobbintervju?

Ein søknad bør innehalde desse punkta:

  • kvar du høyrde om jobben
  • kort om deg sjølv og kva du gjer no
  • kort om bakgrunnen din
  • ei skildring av kvifor du passar til jobben

Læreplan

Grunnleggende ferdigheter

Muntlige ferdigheter
Digitale ferdigheter

Tverrfaglige tema

Demokrati og medborgerskap

Læreplan i samfunnskunnskap for voksne innvandrere etter integreringsloven

bruke kunnskap om arbeidslivet til å ta hensiktsmessige valg knyttet til opplæring, utdanning og arbeid

Kjerneelement

Individ og fellesskap

Læringsaktivitet

Muntlig aktivitet
Video

Filinka daawo

Shaqo codsasho

Fem personer sitter på rekke på hver sin stol. Alle har papirer i hendene. De venter på å komme inn på jobbintervju. Foto
GettyImages

Codsi iyo CV

In kasta oo ay Norway shaqala'aantu hoosayso, waxaa haddana dhici karta in si weyn loogu tartamo shaqooyinka bannaan. Qofka doonayo in uu shaqeeyo, waa in uu firfircoonaadaa oo shaqo raadsadaa. Waxaa muhiim ah in laga faa'iideysto xiriirrada iyo dadka la yaqaanno, iyo in qofku muujiyo in uu xiisaynayo in uu shaqeeyo. Marka aad hesho shaqo aad doonayso in aad codsato, waxay u badan tahay in lagaaga baahan doono in aad xarayso codsi qoraal ah iyo CV.

Codsigu waa warqad aad xoogaa adiga iyo wixii aad ahaan jirtay uga warramayso. CV-gu waa warqad aad si kooban ugu sheegayso khibraddaada shaqo iyo waxbarashadaada. Codsiga iyo CV-ga waa in lagu qoraa af-norwiiji sax ah. Warbixinta aad bixinayso oo dhan waa in ay ahaataa mid sax ah. Waxaa muhiim ah in waraaquhu u qoran yihiin hab nidaamsan.

Shaqabixiyaha shaqaalaynaya qof cusub, wuxuu xoogga saarayaa in qofku yahay midka shaqada ugu habboon. Waxaa kale oo shaqabixiyuhu eegi doonaa in qofku leeyahay waxbarashadii iyo aqoontii loo baahnaa, laakiin waxaa jira waxyaalo kale oo iyaguna muhiim ah.

Qofka la shaqaalaynayo ma leeyahay,

  • khibrad
  • tixraacyo wanaagsan
  • habdhaqan ku habboon bey'adda shaqada
  • tayo ku habboon jagada

Wareysi

En kvinne sitter med en PC ved et bord. Hun smiler, har øyekontakt og gir et fast håndtrykk til en mann. Hun er på jobbintervju. Foto
GettyImages

Waxaa caadi ah in shaqabixiyuhu qof ama in ka badan wareysi ugu yeero ka hor inta uusan go'aan ka gaarin qofka shaqada la siinayo. Qofka shaqada doonaya wuxuu wareysiga ku helayaa fursad lagu barto asaga iyo aqoontiisa, qofka wax shaqaalaynayana wuxuu helayaa fursad uu codsadaha fikrad uga qaato. Labadooduba su'aal way dhiiban karaan.

Talooyinka wareysiga:

  • Hel meesha wareysigu ka dhacayo iyo sidii aad halkaas ku tegi lahayd.
  • Ka fikir dharka aad xiranayso, iyo fikradda aad doonayso in lagaa qaato.
  • Wakhti fiican ka hor meesha tag.
  • In dadka si fiican gacanta looga salaamo oo indhaha loogu qabto ayaa muhiim iyo saxba ah.
  • Dhinaca wanaagsan wax ka eeg, ilka-caddee oo isku day in aad si fiican ula qabsato dadka ku wareysanaya.

Wada hadla

  • Dalkaagii ma waxaa xoogga la saaraa in codsigu qoraal yahay?
  • Ka wada hadla waxa loo baahan yahay in ay ku qornaadaan codsiga qoraalka ah.
  • Maxaa wanaagsan in su'aal laga dhiibto inta wareysigu socdo, maxaanse wanaagsanayn in su'aal laga dhiibto?
  • Ka dooda dharka loo baahan yahay in qofku xirto marka uu wareysi leeyahay.
GettyImages
GettyImages

Dooro sawirka saxda ah.

Waa maxay codsi shaqo?

Dooro jawaabta saxda ah

Waa maxay CV?

Dooro jawaabta saxda ah

Yaa su'aal dhiiban kara marka lagu jiro wareysi shaqo?

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

Norway shaqooyinka tartan badan kama jiro.
In dadka si fiican gacanta looga salaamo oo indhaha loogu qabto waa muhiim marka lagu jiro wareysiga shaqada.
Norway shaqabixiyuhu wuxuu eegaa waxbarashadaada oo keliya.
Waa caadi in mid ama dhawr wareysi oo shaqo la tago ka hor intaan qofka la shaqaalayn.
CV-gu waa warqad qofku xoogaa isaga warramo asaga iyo waxa uu yaqaanno.

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

Marka shaqo la raadinayo waxaa muhiim ah in la isticmaalo xiriirrada iyo dadka la yaqaanno.
Shaqala'aan badan ayaa Norway ka jirta.
Shaqabixiyaha shaqaalaynaya qof shaqaale ah oo cusub wuxuu eegaa waxyaalaha ay ka midka yihiin waxbarasho, khibrad iyo habdhaqan.
Waxaa fiican in laga fikiro dharka la xiranayo marka la tagayo wareysi shaqo.
Waa muhiim inay CV-ga iyo codsiguba ku qoran yihiin af-norwiiji sax ah.