Dagaal weynihii koowaad iyo kii labaad ee adduunka
Dagaal weynihii koowaad iyo kii labaad ee adduunka
1905-tii ayay Norway dib u noqotay waddan madaxbannaan. Waa cusub ayaa billowday. Horraantii qarnigii 20-aad waxaa kordhay tirada dadka, magaalooyinkii ayaa dadku ku soo bateen - warshadihiina waa bateen.
Norway waxay leedahay biyadhac badan, dabayaaqadii qarnigii 19-aadna waxaa Norway laga billaabay in koronto laga dhaliyo quwadda biyaha. Warshado badan ayaa la furay, waxaana loo baahday shaqaale badan. Dad badan ayaa magaalooyinka u soo guuray. Guryo ayaa koronto helay, waddooyinkii magaalooyinkana nal ayaa loo yeelay - xataa magaalooyin ayaa loo sameeyay tiriig koronto ku shaqeeya. Doomihii waxaa loo sameeyay matoor naafto ah, oo safarro intii hore ka dhaadheer ayay ku tegi kareen in intii hore ka dhakhso badan. Baaabuurtii ugu horreesay ayaa waddanka soo gaartay.
Xeer gaar ah ayaa oggolaanayay in ay dadka gaarka ahi dhisaan quwadda biyaha, laakiin khayraadka laftigiisa waxaa weli lahaa dawladda.
Stortinget shaqada ayaa ku badnayd. Ururrada shaqaalaha ayaa doonayay in la wanaajiyo xaaladaha shaqo ee shaqaalaha, oo ku cadaadinayay inuu is-beddel dhaco. Xeerar badan ayuu Stortinget meel mariyay. Waxay go'aamiyeen inaysan cidina shaqayn karin wax toban saac ka badan maalintii. 1919-kii ayaa tan laga dhigay siddeed saac. Shaqaalaha oo dhan waxay xaq u yeesheen caawin jirro. Taas oo la mid ah inay dawladda lacag ka helayaan haddii ay xanuunsadaan.
Laga billaabo 1898-dii ragga ka weyn 25 sano ayaa codkooda dhiiban karay doorashada stortinget, laga billaabo 1913-kiina dumarka ka weyn 25 sano ayaa ayaguna helay xaq sidaas oo kale ah.
Dagaal weynihii koowaad ee adduunka
Sanadihii 1914‒1918-kii waxaa Yurub ka socday dagaal weynihii koowaad ee adduunka. Norway dagaalkaan kama qaybqaadan, laakiin saamayntiisa xagga dhaqaalaha ayaa halkaan laga dareemay. Intii dagaalku socday waxaa yaraaday badeecooyinka ay ka midka ahaayeen badarka, qaxwaha iyo sokorta, waxaana la soo rogay in qofkiiba in go'an oo keliya badeecadaan ka iibsan karo.
Muddadii labada dagaal u dhexaysay
Muddadii u dhexaysay dagaal weynihii koowaad ee adduunka iyo dagaal weynihii labaad ee addduunka ayaa loogu yeeraa muddadii labada dagaal u dhexaysay. Muddadaan inteeda badan dhaqaalaxumo badan ayaa Norway ka jirtay sida adduunka intiisa kaleba. Dad badan ayaa shaqa-la'aan ahaa.
Dagaal weynihii labaad ee adduunka
Dagaal weynihii labaad ee adduunku wuxuu billowday bishii sibteembar 1939-kii markii uu Jarmalku qabsaday Booland. Ciidanka Jarmalka ayaa Norway qabsaday 9-kii abriil 1940-kii. Dagaalku wuxuu Norway ka socday dhawr toddobaad oo keliya, ka hor intaysan Norway is dhiibin. Boqorka iyo dawladdu waxay u carareen Ingiriiska oo halkaas ayay ka wadeen halgankii xoraynta Norway. Norway waxaa xukumay dawlad aan si dimoqoraaddi ah loo dooran oo Jarmalka saaxiib la ahayd taas oo uu hoggaaminayay Vidkun Quisling.
In kasta oo aan dagaal badan oo toos ah ka dhicin Norway, haddana kooxo mucaarad ah oo badan ayaa waday hawlagallo curyaamin ah. Wargeysyo sharcidarro ah ayay soo saari jireen oo waxay abaabuli jireen in shacabku amar-diiddo sameeyo oo si aan toos ahayn laysaga caabbiyo awooddii Jarmalka ee waddanka qabsatay. Dad badan oo ku jiray kooxiihii mucaaradka ahaa ayay dantu ku khasabtay inay waddanka isaga cararaan. Ilaa konton kun oo norwiiji ah ayaa Iswiidhan u cararay intii dagaalku socday. Dad badan baa khatar weyn u bareeray si ay dadka kale u caawiyaan.
Waqooyiga Norway dad badan ayaa lagu dilay, Finnmark iyo Nord-Troms intooda badanna waa la burburiyay kaddib markii ay Jarmalku halkaas ka bexeen. Amarka Hitler ayaa dhismayaashii iyo waddanooyinkii badankooda lagu gubay.
Markii danbe furimmo badan ayaa Jarmalkii laga qabsaday, bishii maajo 1945-kiina waxay dantu ku khasabtay inay is dhiibaan. Isu geyn waxaa dagaalka ku dhintay in ka badan toban kun oo norwiiji ah.
Dagaalka ka hor waxaa Norway ku noolaa yuhuud tiradoodu gaaraysay 2100. 773 kuwaas ka mid ah ayaa loo dhoofiyay xero dadka lagu laayo, waxaana ka soo badbaadday oo dagaalka kaddib Norway ku soo laabtay 38 ka mid ah oo keliya.
Wada hadla
- Maxaad u malaynaysaa sababta uu Stortinget u soo saaray xeerarka lagu fududaynayay noloshaha shaqaalaha?
- Dagaal weynihii koowaad iyo kii labaad ee adduunka sidee bay u saameeyeen waddanki aad ka timid?
- Ka wada hadla sida dagaalku u saameeyo bulsho iyo dadkeeda. Xuquuqda aadanaha sidee looga taxaddaraa marka uu dagaal socdo?
Dooro jawaabta saxda ah
Goorma ayay dumarka Norway heleen xaqa codaynta?
Dooro jawaabta saxda ah
Goorma ayay ahayd muddadii labada dagaal u dhexaysay?
Dooro jawaabta saxda ah
Goorma ayuu ciidanka Jarmalku Norway qabsaday?
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?
Riix sawirka
Riix xilliga saxda ah ee xarriijinta-wakhtiga. Goorma ayuu ahaa dagaal weynihii labaad ee adduunka?