Dadka saamiga

Lærerinnhold

Tips til undervisningen

Læreren kan gjerne finne fram stoff om ulike urbefolkninger/nasjonale minoriteter rundt om i verden og snakke om hvor ulikt disse har blitt behandlet. Dersom det finnes en urbefolkning i deltakernes hjemland, kan man sammenlikne.

Utforsk

Utforsk kartet med samenes utbredelse sammen.

Bok

«Derfor må du vite at jeg er same» av Ella Marie Hætta Isaksen og Randi Helene Svendsen, Cappelen Damm 2021

Tips til undervisninga

Læraren kan gjerne finne fram til litt stoff om urfolk/nasjonale minoritetar rundt om i verda og snakke om kor ulikt desse gruppene har blitt handsama. Dersom det finst urfolk i heimlanda til deltakarane, kan ein samanlikne.

Bok

«Derfor må du vite at jeg er same» av Ella Marie Hætta Isaksen og Randi Helene Svendsen, Cappelen Damm 2021

Læreplan

Grunnleggende ferdigheter

Muntlige ferdigheter
Digitale ferdigheter

Tverrfaglige tema

Demokrati og medborgerskap

Læreplan i samfunnskunnskap for voksne innvandrere etter integreringsloven

gi eksempler på mangfold i Norge med vekt på ulike familieformer, levesett, boformer og folkegrupper, inkludert det samiske urfolket

Kjerneelement

Demokratiforståelse og deltakelse

Læringsaktivitet

Muntlig aktivitet
Utforsking

Dadka saamiga

Dadka saamigu waa dadkii qaddiimka ahaa ee Norway. Dadka saamigu waxay ku nool yihiin afar waddan: Norway, Iswiidhan, Finland iyo Ruushka. Dadka saamigu waa dadka Norway kuwa ugu fac weyn, waxaana jira dhawr luuqadood oo af-saami ah. Afafka saamigu gebi ahaanba way ka duwan yihiin af-norwiijiga. Qofka af-norwiijiga keliya yaqaan ma fahmayo af-saamiga. Ku dhowaad dhammaan dadka saamiga ah ee norwiijiga ah maanta way yaqaannaan af-norwiijiga. Qaar badan oo ka mid ah ayaa sidoo kale af-saamigana yaqaanna.

Samisk reinflokk. Snøskuter. Foto
NTB/Øyvind Nordahl Næss Dhaqan ahaan dadka saamigu waxay ku noolaayeen ugaarsiga, dabashada iyo kalluumaysiga, qaar badan oo dadka saamiga ka mid ah ayaa weli dhaqda xayawaanka deerada u eg. Hadda dadka saamiga ah intooda badan waxay u nool yihiin si la mid ah sida dadka nortwiijiga ah, laakiin dhaqankoodii iyo caadooyinkoodii ayay sii haysteen.

Maalinta calanka ee dadka saamigu waa 6-da febraayo. Calanka saamiga ayaa maalintaas Norway oo dhan la saaraa. Dadka saamigu waxay leeyihiin dhar hidde iyo dhaqan oo la yiraahdo kofte. Ilaa iyo hadda dadka saamigu kofta ayay xirtaan munaasabadaha gaarka ah sida aroosyada oo kale. Dadka qaar baa kofta-ha isticmaala xataa maalmaha caadiga ah.

Qiyaastii boqol iyo konton sano ka hor ayay norwiijigu isku dayeen inay dadka saamiga ah norwiiji ka dhigaan. Carruurti waxaa lagu khasbay inay iskool norwiiji ah dhigtaan, loomana oggolayn inay af-saamiga bartaan. 1959-kii ayaa dib loo oggolaaday in afka saamiga iskoolka looga isticmaali karo luuqad ahaan. Xeer soo baxay 1902-dii ayaa dhigayay in muwaaddiniinta norwiijiga ah ee ku hadli kara, akhrin kara oo qori kara af-norwiijiga oo keliya inay dhul gadan karaan. Xaaladdu maanta taas way ka duwan tahay. 1989-kii waxaa la furay Sametinget. Sametinget wuxuu ka shaqeeyaa xuquuqda dadka saamiga ah ee Norway, gaar ahaan dhaqanka iyo waxbarashada. Afartii sanaba mar ayay dhacdaa doorashada sametinget.

Denis Caviglia Sametinget

Wada hadla

  • Dad qaddiimi ah ma ka jiraan waddankaaga? Waa sidee xaaladda noloshoodu?
  • Ka wada hadla xaaladda dad kala duwan oo laga tira badan yahay.
Utstyr laget av reinskinn. Foto.
GettyImages

Dooro jawaabta saxda ah

Waddamadee ayay dadka saamigu ku nool yihiin?

Dooro jawaabta saxda ah

Maxay dadka saamigu dhaqan ahaan ku noolaan jireen?

Dooro jawaabta saxda ah

Xeer soo baxay 1902-dii ayaa dhigayay in muwaaddiniinta norwiijiga ah ee ku hadli kara, akhrin kara oo qori kara af-norwiijiga oo keliya inay dhul iibsan karaan. Goorma ayaa xeerkaas la joojiyay?

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

Maalinta calanka ee dadka saamigu waa 6-da febraayo.
Qofka af-norwiijiga fahmaya, af-saamigana wuu fahmayaa.
Dharka hiddaha iyo dhaqanka dadka saamiga waxaa la dhahaa bunad.
Waagii hore carruurta saamiga ah waxaa lagu khasbi jirey inay iskoolka norwiijiga dhigtaan, loomana oggolayn inay af-saamiga bartaan.
Sametinget wuxuu ka shaqeeyaa xuquuqda dadka saamiga ah ee Norway.

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

Dadka saamigu waa dadka Norway kuwa ugu fac weyn.
Dadka saamiga ah in aad u yar ayaa af-norwiijiga ku hadli kara.
Qaar badan oo dadka saamiga ah ayaa leh xayawaanka deerada u eg.
Wixii ka horreeyay 1959-kii lama oggolayn in iskoollada af-saami lagu hadlo.
Labadii sanaba mar ayay dhacdaa doorashada sametinget.