Caafimaadka iyo qaabka nolosha
Filinka daawo
Caafimaadka iyo qaabka nolosha
Isbeddello taariikhi ah
Maanta heerka nolosha ee Norway waa sarreeyaa. Cudurro badan oo halis ah ayaa daawo leh, bulshada samafalku ka jirana waxaa ka jira nidaam dadka oo dhan u oggolaanaya caawin dhakhtareed iyo daawooyin. Carruurta waxaa lacag la'aan looga tallaalaa cudurro badan. Waagii hore dad badan ayaa u dhiman jirey saboolnimo awgeed, sida nafaqadarro ama qaaxo. Dad badan ayaa ayagana u dhiman jirey in aan cudurka daawo loo hayn darteed.
Caafimaadka dadweynaha Norway aad ayuu sidii hore uga fiicnaaday boqollaalkii sano ee u danbeeyay. Waxaa taas badankeeda sabab u ah bulshada samafalku ka jiro oo dad badan siisa fursado badan oo fiican oo lagu noolaan karo nolol fiican oo ammaan ah. Dadka Norway hadda intii hore way ka cimri dheer yihiin. Dad badan oo waayeel ah ayaa iyaguna intii waagii hore ka caafimaad fiican. Taas oo dadka fursad u siinaysa nolol firfircoon, dheer oo fiican.
Taas macnaheedu ma aha in Norway tahay bulsho aan cudurro ka jirin. Waxaa tusaale ahaan dad badan dhibaato ku haya xanuunnada murqaha iyo qalfoofka. Sokorowga iyo cayilka ayaa ah dhibaato sii kordhaysa. Cudurrada wadnaha- iyo xididdada ayaa ayaga iyo kansarka ah sababta ugu badan ee Norway loo geeriyoodo.
Ka hortagga dhibaatooyinka caafimaadka
Caafimaadka fiican wuxuu ku xirnaan karaa habka aan u nool nahay, haddii uu ahaan lahaa caafimaadka maskaxiyanka ah iyo midka jirka labadaba. Waxaan fursadaha ugu waaweyn ee aan muddo dheer caafimaad qab noqonayno haysannaa marka aan cunno cunto caafimaadka u roon oo aan firfircoonnahay. Halista loogu jiro kansarka iyo cudurrada wadnaha- iyo xididdada waxay ku sii badan tahay dadka sigaarka cabba.
In kasta oo bulshada samafalku ka jiro ay mas'uuliyad weyn iska saarto sidii dadweynaha loogu hubin lahaa caafimaad fiican, haddana marar badan qofku asagaa mas'uul ka ah sida uu u noolaanayo oo caafimaadkiisa u ilaalinayo.
Caafimaadka maskaxiyanka ah sida midka jirka oo kale ayuu muhiim u yahay. Dadka badankoodu way jecel yihiin in ay dadka kale wada bulsheeyaan. Ha ahaato in qoys ahaan loo wada noolaado, in saaxiibbo fiican la lahaado ama dad aad isku meel ka shaqaysaan oo fiican. In qofku wax fiican ku fikiro, niyadda ka xasilloon yahay, hurdo fiican seexdo oo sidiisa kale fiican yahay ayaa laftigeedu caafimaadka u roon. Norway waxaan dhahnaa qosolka fiican nolosha ayuu dheereeyaa.
Cuntada
- Ka dooda xiriirka ka dhexeeya cuntada iyo caafimaadka.
- Cunto la mid ah tii aad cuni jirtay ka hor intaadan Norway imaan miyaad hadda cuntaa?
- Xiriir ma ka dhexeeyaa cimilada iyo cuntada?
- Cuntadee ayaad u aragtaa in aysan caafimaadka u fiicnayn?
- Cuntadee ayaad u aragtaa in ay caafimaadka u fiican tahay?
Shaqaale caafimaad oo badan oo ajnebiga la xiriira ayaa ka welwelsan caafimaadka ajnebiga. Sababta ay uga welwelsan yihiin ayaa waxay tahay inay arkaan in ajnebiga iyo norwiijiga ay ajnebiga ku badan yihiin dhibaatooyinka soo socda:
- sokorow
- cayil
- caafimaadka ilkaha oo liita
- nafaqo khaldan, gaar ahaan birta iyo fitimiin D-ga oo ku yar
- niyadjab
Wada hadla
sokorow - kansar - neef - cayil
alleerjig – cudurrada wadnaha- iyo xididdada
- Ka dooda xiriirka ka dhexeeya qaabka loo nool yahay iyo cudurradaan.
- Cudurradaan ma ku badan yihiin waddammada aad horey u taqaannay?
- Ka dooda sababo keeni kara inay ajnebigu la kulmaan dhibaatooyin caafimaad oo ka duwan kuwii intaysan Norway imaan.
- Maxaan samayn karnaa si aan caafimaadkannaga u ilaalinno?
Waa xagaa. Qoyska Hansen saddexda carruurta ah ee saddex, toddoba iyo kow iyo toban jirka ah waxay ku jiraan fasaxii iskoolka. Waxay dareemayaan in maalmuhu dheer yihiin oo caajis miiran yihiin. Saaxiibbadii carruurta badankoodu safar bay ku maqan yihiin ama wax kale ayay ku mashquulsan yihiin. Aabbe iyo hooyo waa daallan yihiin marka ay shaqada ka yimaadaan, oo waxay jecel yihiin in ay guriga isaga nastaan markay fasaxa yihiin. Sidaas darteed ayayna qoyska inta badan guriga isaga joogaan.
- Sidee ayaad u aragtaa xaaladda qoyska?
- Maxay kula tahay in loo baahan yahay in waalidku ka fikiraan?
- Xaaladdu ma saamayn kartaa caafimaadka carruurta iyo midka waalidka?
- Xaaladdu ma saamayn kartaa waxyaalo kale oo carruurta la xiriira?
Mehmet wuxuu dhigtaa fasalka lixaad. Saaxiibbo badan ayuu fasalka ku leeyahay. Bareeggana kubbadda cagta ayay aad u ciyaaraan. Saaxiibbadiis badankoodu waxay ku jiraan naadiga kubbadda cagta ee xaafadda. Toddobaadkiiba laba galbood ayay tababbartaan. Mehmet wuxuu jecel yahay in uu naadiga ku biiro, laakiin waalidkiis ayaa taas ka soo horjeeda. Waa lacag, dhaqaalaha qoyskuna waa hooseeyaa.
- Sidee ayay xaaladdani u saamayn kartaa caafimaadka Mehmet?
- Sidee ayaad u aragtaa xaaladda waalidka?
Dooro jawaabta saxda ah
Waa sidee heerka nolosha ee Norway maanta?
Jumladda dhammaystir
Waxay u badan tahay inaan caafimaad ku waarno, haddii aan ...
Dooro jawaabta saxda ah
Maxaa sax ah?
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?
Dooro sawirka saxda ah
Sawirradee tusaya hab-nololeed caafimaadka u roon? Jawaabo badan ayaa sax ahaan kara.