In waddan cusub loo guuro

Lærerinnhold

Tips til undervisningen

Snakk sammen

Det er viktig å snakke om at alle som flytter fra et sted/land til et annet i større eller mindre grad vil gå gjennom en mental migrasjonsprosess. Det bør være et mål å skape forståelse for at en ikke er alene om reaksjonene. Man trenger ikke være “syk” selv om en sliter.

Det er viktig å få fram at ulike familiemedlemmer kan ha ulike reaksjoner og være i ulike faser, og at dette kan skape utfordringer i familien. Barn vil ofte gå ut og inn av slike faser. De kan tilsynelatende tilpasse seg det nye livet veldig lett. De kan også få dårlig samvittighet for å ha det bra mens foreldrene sliter.

Rahman og kona

Rahman og kona hans kom til Norge for fire måneder siden. Han kom fra et land i krig og syntes livet var vanskelig. Den første tida i Norge var han veldig glad og fornøyd. Han gledet seg til å lære norsk og finne en jobb.
Nå er han ikke så glad lenger. Han synes Norge er et vanskelig land å bo i. Han strever med å lære norsk og synes det går veldig sakte. Han føler seg fremmed.

  • Snakk sammen om Rahmans situasjon. Hvor er han i migrasjonsprosessen? Hva tror du vil skje videre?

Tips til undervisninga

Snakk saman

Det er viktig å snakke om at alle som flyttar frå eitt land til eit anna, eller frå ein stad til ein annan, i større eller mindre grad vil gå gjennom ein mental migrasjonsprosess. Det bør vere eit mål å skape forståing for at ein ikkje er åleine om desse reaksjonane. Ein er ikkje «sjuk» sjølv om ein slit.

Det er viktig å få fram at ulike familiemedlemar kan ha ulike reaksjonar og gå gjennom dei ulike fasane til ulike tider, og at dette kan skape utfordringar i familien. Barn vil ofte gå ut og inn av slike fasar. Dei kan sjå ut til å ha svært lett for å tilpasse seg det nye livet. Dei kan òg få dårleg samvit for å ha det bra medan foreldra slit.

Rahman og kona

Rahman og kona hans kom til Noreg for fire månader sidan. Han kom frå eit land i krig og tykte at livet var vanskeleg. Den første tida i Noreg var han veldig glad og nøgd. Han gledde seg til å lære norsk og finne seg ein jobb.
No er han ikkje så glad lenger. Han synest at Noreg er eit vanskeleg land å bu i. Han strevar med å lære seg norsk og synest at det går veldig sakte. Han kjenner seg framand.

  • Snakk saman om situasjonen til Rahman. Kvar er han i migrasjonsprosessen? Kva trur du vil skje vidare?

Læreplan

Grunnleggende ferdigheter

Digitale ferdigheter
Muntlige ferdigheter

Tverrfaglige tema

Folkehelse og livsmestring

Læreplan i samfunnskunnskap for voksne innvandrere etter integreringsloven

gi eksempler på hvordan fysisk og psykisk helse kan bli påvirket av livsstil og ulike hendelser, som for eksempel migrasjon

Kjerneelement

Individ og fellesskap

Læringsaktivitet

Muntlig aktivitet

In waddan cusub loo guuro

En koffert og en sekk står foran et vindu på en flyplass. Utenfor vinduet står et fly. Bildet illustrerer en flytteprosess til et annet land.
GettyImages

Sebene: Waan ku faraxsanahay inaan ugu danbayntii Norway nimid. Waa meel fiican, waxaanan dareemayaa in hadda mustaqbalku ammaan yahay - annaga iyo carruurtaba.
Amaniel: Meel fiican aa? Joogista qurbaha ayaan ku daalay. Wax walba waa adag yihiin. Wax sidii la rabay ahna ma jiraan. Shaqo ma haysto, luuqadda ma fahmayo, wax walbana waa in layga caawiyaa. Dadkuna si kale ayay u dhaqmaan. Si iga duwan bay u fikiraan.
Sebene: Anigu waxaan moodayay in xaaladdaadu fiican tahay.
Amaniel: Dhawr toddobaad ka hor ayaan sidaan aad uga fiicnaa. Markaas ma fahansanayn isbeddelka weyn ee nolosha ku dhacay. Waxaan luminnay wax aad u badan: qoys, saaxiibbo, caadooyin iyo luuqad.

Wax baa ku dhaca dadku markay waddan kale u guuraan. Waxaa inta badan ku dhaca wax aan ugu yeerno isbeddelka nafsiyanka ah ee haajiridda oo saddex weji leh. Dadku way ku kala duwan yihiin hadba inta ay ku jiraan wejiyada kala duwan.

Wejiga 1-aad

Et par flytter på en stor stol i stua si. De skaper et hjem. De smiler og er glade. Foto
GettyImages

Waxaa caadi ah in muddada u horreysa la farxo oo rajo fiican la lahaado. Qofku waa mashquul. Shaqo badan baa u taalla, waxyaalaha badan ee cusub ayaana noqon kara kuwo qofka xiise ku beera. Waxaa laga yaabaa in qofku aad uga fikirayo fursadaha cusub oo uu helay, oo aanu aad uga fikirin waxyaalihi uu ka soo tagey ee uu lumiyay.

Wejiga 2-aad

En kvinne sitter i sofaen med hodet i hånden. Hun ser betenkt og nedstemt ut. Foto
GettyImages

Maalmo, toddobaadyo ama bilo kaddib waxay dadka badankoodu dareemaan in nolosha waddanka cusub adag tahay. Hal mar ayuu qofku dareemaa cawaaqidka geeddigii. Waxyaalaha qalaad ee waddanka cusub ayaa keeni kara in qofku kalsoonidarro dareemo. Qofku waa daalayaa oo wuxuu nacayaa inaysan jirin hal wax oo sidii uu u bartay ah, oo waxaa ku bata xiisaha uu u qabo noloshii hore.

Wejiga 3-aad

En kvinne med hijab og en kvinne uten hijab sitter i en sofa. De er venninner og ler av noe de ser på mobilen. Foto
GettyImages

Cabbaar kaddib dadka badankooda noloshu waa u fududaataa. Qofku wax badan buu ka fahmaa luuqadda iyo nidaamka waddanka cusub labadaba. Mustaqbalkuna wuxuu noqdaa mid ifaya. Qofku geeddigii ayuu aqbalaa. Si tartiib-tartiib ah ayuu qofku u aqbalayaa waxyaalaha fiican ee nolosha iyo waxyaalaha qiimaha leh ee waddanka cusub. Marka taas lagu dhafo waxyaalihii qiimaha lahaa iyo fikradihii lagala yimid waddankii hooyo, ayuu qofka la qabsanayaa bulshada cusub.

Wada hadla

  • Waa sidee xaaladda Amaniel iyo Sebene? Qaar ka mid ah waxyaalaha ay sheegayaan adigu ma isku aragtay?
  • Amaniel wuxuu sheegayaa in uu wax badan lumiyey. Maxay taasi u keeni kartaa caafimaadkiisa?
  • Qofka waddan cusub u guura asaga oo aan wax doorasho ah lahayn, wejiyada ma u dareemayaa si ka duwan qofka asagu geeddiga doortay?
  • Sidee ayay noqonaysaa nolosha qoyska haddii ay xubnaha qoysku wejiyada kala duwan ku sugan yihiin wakhtiyo kala duwan?

Dooro jawaabta saxda ah

Immisa weji ayuu ka kooban yahay isbeddelka nafsiyanka ah ee haajiriddu?

Dooro jawaabta saxda ah

Wejigee lagu gartaa

  • in nolosha waddanka cusub loo arko inay adag tahay
  • in qofku dareemo cawaaqibka geeddigii
  • in loo xiiso noloshii hore

Dooro jawaabta saxda ah

Muddo intee le'eg ayaa lagu jiraa wejiyada kala duwan?

Jumladda dhammaystir

Marka uu qofku aqbalo waxyaalaha fiican ee nolosha iyo waxyaalaha qiimaha leh ee waddanka cusub, oo uu kuwaas ku dhafo waxyaalihii qiimaha lahaa iyo fikradihii lagala yimid waddankii hooyo ...

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

Dhammaan dadka u guura waddan cusub waxay maraan isbeddelka nafsiyanka ah ee haajiridda oo saddex weji ah.
Waa caadi in la dareemo inay wax adag tahay in waddan cusub loo guuro.
Dhererka wejiyada waa kala duwan yihiin oo qofba waa si.
Dadka badankoodu wax dhib ah uma arkaan in waddan cusub loo guuro.
Dad badan ayaa rajo fiican leh muddada u horreysa marka waddan cusub la yimaado.