Guri
Filinka daawo
Guri
Guri
Norway waxaa ku yaalla guryo ay tiradoodu gaarayso inta u dhexaysa 2,7 ilaa 3 milyan. Qiyaastii kala bar waa fillooyin. Magaalooyinka waaweyn sida Oslo, qaar badan oo guryaha ka mid ah waa dabaqyo ama guri weyn oo abbaartamiintooyin badan leh. Degmooyinka yaryar waxaa laga yaabaa inay guryaha badankoodu fillooyin yihiin. Qoysaska qiyaastii siddeetan iyo laba ayagaa guryahooda iska leh, siddeed iyo tobanka harayna kiro ayay ku jiraan.
- Guri gooni loo leeyahay: Adigaa guriga iska leh. Waad dayactiri kartaa oo kireyn kartaa adiga oo aan cidna wax weydiin. Adiga ayaa bixinaya dhammaan kharashaadka guriga (kharashaadka degmada, caymiska mulkiilaha guriga iyo kharashaadka dayactirka). Adigaa la imaanaya lacagta aad guriga ku gadanayso oo dhan.
- Iskaashato guri: Iskaashatada guriga ayaad qayb ku leedahay. Keligaa ayaa xaq u leh isticmaalka guriga. Waa inaad raacdaa xeerar iyo go'aammo badan oo iskaashatadu leedahay. Lacag ayaad shubaysaa markaad guriga gadanayso. Lacagtaas adiga ayaa lagaa rabaa. Bil kastana kiro ayaad bixinaysaa. Kiradu waxay daboolaysaa qaybtaada deynta ay iskaashatada guryuhu qabto, kharashaadka degmada iyo caymiska mulkiilaha guriga.
Maalgelinta guriga
Guryuhu lacag badan ayay joogaan, dadka badankooduna bangiga ayay lacag ka amaahdaan si ay guri u gataan. Sanadyo badan ayaa sida caadiga ah bil walba lacagta bangiga la bixiyaa. Lacagta gurigu joogo oo dhan bangiga kama amaahan karno. Waa in aan laftigeennu xoogaa lacag ah haysannaa. Lacagtaas waxaa la dhahaa raasamaal. Xeerka guud waa in aan haysannaa boqolkiiba 15 ah lacagta guriga lagu gadayo. Markaas boqolkiiba 85 ah lacagta uu gurigu joogo ayaan ka qaadan karnaa bangiga. Laakiin si bangiga lacag looga amaahdo, waa in aan lahaannaa dakhli joogto ah ama hubanti dhaqaale oo kale. Bangigu waa inuu hubaa inaan bixin karno lafaha iyo dulsaarka.
Wada hadla
- Ka wada hadla faa'iidooyinka iyo khasaaraha lahaanshaha iyo kireysiga guryaha.
- Ka wada hadla farqiga u dhexeeya guriga la leeyahay iyo midka iskaashatada guryaha.
- Sideed u aragtaa in lacag bangiga laga amaahdo? Maxaa lagaaga baahan yahay?
- Gal finn.no ama bog internet oo kale oo eeg guryaha beeca ah ee ku yaalla aagga aad deggan tahay. Waa guryo noocee ah? Meeqa ayay joogaan?
Dooro jawaabta saxda ah
Immisa guri ayaa Norway ku yaalla?
Dooro jawaabta saxda ah
Guryaha noocee ayaa lagu yaqaannaa inaad
- keligaa xaq u leedahay isticmaalka guriga
- raacdo xeerar iyo go'aammo
- lacag shubto markaad guriga gadanayso
- bil kasta kiro bixiso
Dooro jawaabta saxda ah
Lacagta gurigu joogo immisa ayaa nagala rabaa inaan haysanno markaan guri gadanayno? Immisa ayaan bangiga ka amaahan karnaa?
Dooro jawaabta saxda ah
Maxaa lagu yaqaannaa guriga goonida loo leeyahay?
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?