Barjaamijka wax baridda iyo xeerka dhexgalka bulshada
Barjaamijka wax baridda iyo xeerka dhexgalka bulshada
Hadafka barnaamijka wax bariddu waa
- in ka-qaybqaatayaashu bartaan aqoon af-norwiiji oo aasaasi ah
- in ka-qaybqaatayaashu aqoon aasaasi ah u yeeshaan nolosha shaqada ee norwiijiga
- in ka-qaybqaatayaasha loo diyaariyo shaqo ama waxbarasho
Mas'uuliyiinta Norway way og yihiin in ay adag tahay in shaqo la helo oo qofku masruufkiisa ku filnaado muddada ugu horreysa marka waddan cusub la yimaado. Sidaas darteed ayuu Stortinget u soo saaray xeer la yiraahdo xeerka dhexgalka bulshada. Xeerkan ayaa degmooyinka Norway wuxuu farayaa in ay dadka qaxootiga ah u fidiyaan barnaamijka wax baridda.
Barnaamijkaan waxay ka-qaybqaatayaashu ku baranayaan af-norwiijiga iyo aqoon ku saabsan bulshada norwiijiga iyo nolosha shaqada ee Norway. Ujeeddada barnaamijka laga leeyahay waa in ay ka-qaybqaatayaashu shaqo helaan ama waxbarasho billaabaan markay barnaamijka dhammeeyaan. Barnaamijku wuxuu socon karaa inta u dhexaysa saddex bilood ilaa iyo saddex sano, taas oo ku xiran waxbarashadii iyo khibraddii shaqo ee hore ee qofka. Dadka barnaamijka ka qaybqaata waxaa la siinayaa caawin dhaqaale.
Barnaamijka wax bariddu wuxuu ka kooban yahay
- barashada af-norwiijiga
- caawinta la qabsiga nolosha waddan cusub
- talo siinta waalidka (dhammaan dadka leh carruur ka yar 18 sano)
- waxyaalo la xiriira shaqo- iyo waxbarasho
Xigasho: IMDi
Wada hadla
- Waa maxay sababta qaxootiga loogu deeqo barnaamijka wax baridda?
- Waa maxay sababta aan soogalootiga oo dhan loogu deeqin barnaamijka wax baridda?
- Shuruudo sidee ah ayaa loo baahan yahay in lagu xiro dadka dhigta barnaamijka wax baridda?
- Maxaad u malaynaysaa in ay filayaan dadka dhigta barnaamijka? Bulshadu maxay ka filaysaa dadka dhigta barnaamijka?
Dooro jawaabta saxda ah
Waa maxay hadafka barnaamijka wax baridda?
Dooro jawaabta saxda ah
Muddo intee dhan ayuu socdaa barnaamijka wax bariddu?
Dooro jawaabta saxda ah
Yaa go'aamiyay xeerka is-dhexgalka?
Dooro jawaabta saxda ah
Yaa bixiya barnaamijka wax baridda?
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?