Dadka laga tirada badan yahay iyo kuwa tirada badan ee Norway
Dadka laga tirada badan yahay iyo kuwa tirada badan ee Norway
Dadku weligood adduunka waa guurguuri jireen. Tusaale aan fogayn ayaa ah haajiriddii Yurub laga tagey oo Maraykanka la aaday. In ka badan soddon milyan oo reer Yurub ah ayaa halkaas u guuray intii u dhexaysay 1820–1930. Norway waxaa ka guuray qiyaastii siddeed boqol oo kun oo qof.
Dadka Norway ku nool badankoodu waxay ka soo jeedaan qoysas norwiiji ah. Lixdankii sano ee u danbeeyay ajnebi badan ayaa Norway yimid. Qaar waxay ku yimaadeen qaxootinnimo, qaar kalena waxay ahaayeen shaqa-doon. Waxay ka kala yimaadeen Yurub iyo dunida inteeda kale.
Billowga 2024-ka waxaa Norway ku nool 5,5 milyan oo qof. In ka badan hal milyan oo ka mid ah ayaga ama waalidkood ayaa dibedda ku dhashay. Tiradaasi waa ku dhowaad boqolkiiba labaatan dadweynaha Norway. Qaar badan oo ajnebiga Norway ku nool ah ayaa haysta dhalashada norwiijiga. Ajnebiga ugu badan waxay ka yimaadeen waddammada Booland, Litaawen, Yukrayn, Iswiidhan iyo Suuriya. Ajnebi ayaa deggan degmooyinka Norway oo dhan. Laakiin ajnebigu magaalooyinka ayuu uga badan yahay tuulooyinka.
Dadka waddanka u dhashay ee laga tirada badan yahay
Norway waxaa ku nool dad waddanka joogay dhawr boqol oo sano. Dadkaas waxaan ugu yeernaa dadka waddanka u dhashay ee laga tirada badan yahay. Dadkaan waddanka u dhashay ee laga tirada badan yahay waa
- dadka saamiga
- juhuudda
- keveenka/norwiiji-fiinishka
- reer Finlandkii kaymaha
- romaanka
- dadka romaaniga/taaterka
Xigasho: regjeringen.no
Norway waxay 1999-kii saxiixday heshiiska xuquuqda dadka waddanka u dhashay ee laga tirada badan yahay. Heshiiskaan wuxuu qaranka ku waajibinayaa dadka waddanka u dhashay ee laga tirada badan yahay in loo suurageliyo sidii ay u haysan lahaayeen una sii horummarin lahaayeen dhaqankooda, diintooda, afkooda, caadooyinkooda iyo waxyaalihii ay dhaqankooda ka dhaxleen.
Is-dhexgalka bulshada
Norway waxay leedahay hadaf siyaasadeed oo ah in bulshadu ahaato mid dadka tirada badan iyo kuwa laga tirada badan yahay ay si fiican u wada noolaan karaan ayagoo dareemaya midnimo iyo in waddanka la wada leeyahay. Hadafka guud ee siyaasadda is-dhexgalku waa in ajnebiga iyo carruurtooduba ay isticmaalaan khayraadkooda oo ay danta guud uga qaybqaataan si la mid ah dadka tirada badan. Mid ka mid ah furayaasha hadafkaas lagu gaarayo ayaa ah in ay dadka waddanka ku nool oo dhan af-norwiijiga si fiican u yaqaannaan.
Wada hadla
- Waddankaagii hore ma laga haajiraa mise waa loo soo haajiraa?
- Maxay dadku waddankooda uga guuraan?
- Maxay kula tahay sababta ay Norway ajnebigu magaalooyinka ugu badan yihiin marka tuulooyinka loo eego?
- Magaalooyinka qaar ayaa waxaa jira xaafado ay dadka deggan ajnebi u badan yihiin. Maxay kula tahay sababtu? Ma inay wax wanaagsan tahay ayaad taas u aragtaa? Haddii haa, waa maxay sababtu?, Haddii mayana, waa maxay sababtu?
- Ma tahay in ajnebigu bartaan luuqadda waddanka ay u soo guureen? Haddii haa, waa maxay sababtu?, Haddii mayana, waa maxay sababtu?
- Ma tahay in ajnebigu bartaan fikirka iyo qaabka nolosha ee waddanka ay u soo guureen? Haddii haa, waa maxay sababtu?, Haddii mayana, waa maxay sababtu?
- Waddankaagii ma leeyahay dad laga tira badan yahay oo waddanka u dhashay?
- Ka wada hadla mas'uuliyadda qaranka ka saaraan sidii ay dadka waddanka u dhashay ee laga tirada badan yahay dhaqankooda u haysan lahaayeen.
Dooro jawaabta saxda ah
Dadweynaha Norway qiyaastii meeqa ayaa ayaga ama waalidkood ay dibedda ku dhasheen?
Dooro jawaabta saxda ah
Ajnebiga badankiisu xaggee ayay deggan yihiin?
Jumladda dhammaystir
Si ay ajnebigu u isticmaalaan khayraadkooda, waxaa muhiim ah ...
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?