Caafimaad

  • Caafimaadka wanaagsan micno sidee ah ayuu kuugu fadhiyaa?
  • Yaa mas'uul ka ah caafimaadka dadweynaha ee waddan?
  • Maxaan innagu samayn karnaa si aan caafimaadkeenna uga taxaddarno?
  • Hadda marka aad Norway deggan tahay waxyaalo ka duwan kuwii waddankaaga miyaad ka fikirtaa si aad caafimaadkaaga uga taxaddarto?
  • Dhakhtarka markaad u tagto maxaad ka filataa?
  • Xaaladahee ayaad lagamamaarmaan u aragtaa in dhakhtar loo tago?

Caafimaad wanaagsan – ma dhaafsiisan yahay in aan la jirrinayn?

Dadka qaar baa oranaya caafimaad wanaagsan waa in aan qofku jirranayn. Qaar kalena waxay oranayaan caafimaad wanaagsan waa in qofku xaalad wanaagsan ku sugan yahay oo nolosha ku faraxsan yahay. Labada siyaalood ee caafimaadka wanaagsan lagu qeexay labaduba waa sax. Bulshooyinka cudurrada halista ah iyo saboolnimadu qayb weyn nolosha ka yihiin, malaha qeexidda hore ayaa loo badan yahay. Bulshooyinka kale ee cudurrada badankooda daawada loo hayo oo qof kastana heli karo caawinta caafimaad ee uu u baahan yahay - waxay dad badan oranayaan caafimaad wanaagsan waa wax dhaafsiisan in maskaxiyan iyo jir ahaan la caafimaad qabo.

Yaa mas'uul ka ah caafimaadkeenna?

Waagii hore waxaa inta badan lagu fikiri jirey inay laamaha caafimaadku mas'uul ka yihiin caafimaadka bukaanka. Sanadahaan danbe waxaa soo xoogaystay fikirka ah in ay innaga mas'uuliyad weyn naga saaran tahay caafimaadkannaga. Habka aan dooranno in aan nolosha u noolaanno, ayaa saameeya caafimaadkannaga. Laamaha caafimaadku waxay na siin karaan talo iyo hagis, laakiin annaga ayaa mas'uul ka ah inaan talooyinkaas raacno. Warbixinta ka hortagga iyo daaweynta cudurrada waxaad ka helaysaa internetka, dhakhtarka iyo farmashiyaha.

Aygül: Xoogaa sanka ayaa i xiran madaxuna waa i xanuunayaa.
Dhakhtarka: Haa, kolley hargab ayaa kugu dhacay. Cunuhuna ma ku xanuunayaa?
Aygül: Xanuun badan maya, laakiin xoogaa ayaan qufacayaa.
Dhakhtarka: Toddobaad gudihiis ayuu kaa bi'i doonaa. Ballan kale qabso, haddii aad raysan weydo ilaa dhammaadka toddobaadka danbe.
Aygül: Hadda daawo ima siinaysid miyaa?

Waddammo badan ayay bukaanku u barteen inuu dhaktarku keligiis go'aamiyo daaweynta. Waxaa kale oo laga yaabaa in bukaanku u bartay inaan marna dhakhtarka laga soo tegin ayada oo aan daawo laguu qorin. Norway waxaa caadi ka ah inay dhakhtarka iyo bukaanku isla gorfeeyaan fursado daawo oo kala duwan iyo la sii socosho.

Tips til undervisningen

Snakk sammen

Stikkord til diskusjonen: ha energi og overskudd, ikke være syk, føle velvære, fysisk kontra psykisk helse, bruk av medisiner, kroniske sykdommer, forebygging, livsstil, kosthold, trening, alkoholvaner, tobakk, informasjon, tannhelse, smittevern, økonomiens betydning for valgmulighetene, påkledning, forkjølelse

Snakk sammen om deltakernes forventninger til legebesøk, hva de er vant til fra tidligere og hva de kan forvente i Norge.

Snakk om kunstverket

Maleri. Mor ved sengen til sin syke datter.
Foto: Nasjonalmuseet/Børre Høstland «Det syke barn» malt av Edvard Munch (1885–1886).

Tips til undervisninga

Snakk saman

Stikkord til diskusjonen: ha energi og overskot, ikkje vere sjuk, kjenne velvære, fysisk kontra psykisk helse, medisinbruk, kroniske sjukdomar, førebygging, livsstil, kosthald, trening, alkoholvanar, tobakk, informasjon, tannhelse, smittevern, kva økonomi har å seie for ein person sine valmoglegheiter, påklednad, forkjøling

Snakk saman om kva deltakarane ventar seg av eit legebesøk, kva dei er vane med frå før og kva dei kan vente i Noreg.

Snakk om kunstverket

Maleri. Mor ved sengen til sin syke datter.
Foto: Nasjonalmuseet/Børre Høstland «Det syke barn» malt av Edvard Munch (1885–1886).