Adeegyo caafimaad

Lærerinnhold

Tips til undervisningen

Det er fint å legge vekt på muligheter for tolk hos legen, og at dette ikke bør være et familiemedlem.

Snakk sammen

Snakk om helsetjenester i deltakernes hjemland og hvordan disse er organisert/finansiert og sammenlikn med Norge.
Snakk om velferdsstaten og skattefinansiering av denne.

Fastlegen vil kjenne den enkelte pasient og dennes helsehistorie bedre enn tilfeldige leger. Det vil kunne skapes en relasjon mellom lege og pasient, noe som kan være viktig for mennesker som trenger hyppig kontakt med lege.

Tips til undervisninga

Det er fint om læraren legg vekt på moglegheita for å bruke tolk hos legen og at tolken ikkje bør vere ein familiemedlem.

Snakk saman

Snakk om helsetenester i heimlanda til deltakarane og korleis dei er organiserte/finansierte, og samanlikn med Noreg.
Snakk om velferdsstaten og korleis han blir finansiert av skattar.

Fastlegen vil kjenne den einskilde pasienten og helsehistoria til pasienten betre enn tilfeldige legar. Såleis kan det skapast ein relasjon mellom legen og pasienten, og det kan vere viktig for menneske som treng å ha kontakt med legen ofte.

Læreplan

Grunnleggende ferdigheter

Digitale ferdigheter
Muntlige ferdigheter

Tverrfaglige tema

Folkehelse og livsmestring

Læreplan i samfunnskunnskap for voksne innvandrere etter integreringsloven

bruke kunnskap om det norske helsevesenet til å få tilgang til ulike helsetjenester

Kjerneelement

Individ og fellesskap

Læringsaktivitet

Muntlig aktivitet

Adeegyo caafimaad

En ung sykepleier støtter en eldre mann når han går. Bildet er tatt bakfra, og man kan se at de snakker sammen. Foto
GettyImages

Bulshada samafalku ka jiro hadafku waa in dadweynaha oo dhan ay u noolaan karaan sida ugu fiican ee suurtaggalka ah. Waxaa taas ka mid ah in caafimaad wanaagsan la lahaado. Norway waxaa ka jira hay'ad caafimaad oo dawladeed. Taas oo micnaheedu yahay in ay dawladdu mas'uul ka tahay in dadweynuhu helaan daaweynta ay u baahan yihiin ayada oo aan loo eegayn dhaqaalaha qofka. Waxaa kale oo jira adeegyo caafimaad oo kala duwan oo gaar loo leeyahay. Qofkii kuwaas isticmaalaya, asaga ayaa iska bixinaya lacagta daaweynta.

Dhakhtar joogto ah

En mannlig lege med stetoskop rundt halsen snakker med en kvinnelig pasient. Foto
GettyImages
  • Dadweynuhu dhammaan waxay xaq u leeyihiin in ay yeeshaan dhakhtar guud oo joogto ah. Haddii aad adiga ama ilmahaagu xanuunsataan waxaad marka koowaad la xiriiraysaa dhakhtarka joogtada ah.
  • Dhakhtarka joogtada ah ayaa haddii aad u baahan tahay wuxuu kuu sii gudbinayaa dhakhtar takhasus leh.
  • Waa in aad wacdaa oo ballan qabsataa, marka aad doonayso in aad dhakhtarka la hadasho. Sida caadiga ah waa in aad dhawr maalin ballanta sugtaa, laakiin haddaad aad u xanuunsan tahay inta badan isla maalintaas ayaad ballan helaysaa.
  • Adiga ayaa dooranaya dhakhtarkaaga joogtada ah. Haddii aadan maqsuud ku ahayn waad iska beddeli kartaa dhakhtarka joogtada ah, laakiin sanadkiiba laba jeer ka badan ma beddeli kartid.

Bogga internetka ee helsenorge.no ayaad ka heli kartaa dhakhtar joogto ah, iskaga beddeli kartaa dhakhtarka joogtada ah oo aad ka heli kartaa warbixinnada kale ee muhiimka ah ee caafimaadka ku saabsan.

Dhakhtar takhasus leh

  • Dhakhtar takhasus leh tusaale ahaan waa dhakhtarka cudurrada dumarka, dhakhtarka cudurrada maqaarka, dhakhtarka cudurrada sanka-dhegaha-cunaha ama dhakhtar ku takhasusay cudurrada carruurta.
  • Si aad ballan uga hesho dhakhtar takhasus leh waa in uu sida caadiga ah ku soo gudbiyo dhakhtar joogto ah.

Isbataal gelid

  • Dhakhtarka ayaa go'aaminaya in aad u baahan tahay in isbataal lagu dhigo iyo in kale. Waa bilaash gelidda isbataallada dawladda. Dhammaan kharashka daaweynta, jiifka iyo cuntada intaba waxaa bixinaya dawladda.
  • Marka ay carruur isbataal galaan, inta badan waalidka midkood ayaa ilmaha isbataalka kula jira.
En kvinne ligger i en sykehusseng. Hun snakker med en sykepleier. I rommet står også andre sykepleiere som jobber med andre ting. Foto
GettyImages

Ku daaweynta qaybta bukaansocod-eegtada ee isbataallada

  • In qofka lagu daaweeyo qaybta bukaansocod-eegtada ee isbataallada waxaa loola jeedaa in isbataal lagugu daaweynayo, laakiin aan lagu seexinayn. Ballan ayaad u imaanaysaa, gurigii ayaadna ku laabanaysaa marka lagu daaweeyo.

Gargaar degdeg ah

  • Haddii adiga ama qof qoyskaaga ah aad xanuunsataan ama dhaawac idin soo gaaro xafiiska dhakhtarka oo xiran, waa inaad la xiriirtaa dhakhaatiirta soojeedka leh oo laga helo telefoonka 116 117.
  • Haddii qofi aad u xanuunsado ama dhaawac soo gaaro oo gargaar degdeg ah loo baahan yahay, waa inaad wacdaa lambarka gargaarka daawada ee degdegga ah oo ah 113.
  • Si deggan u hadal oo macluumaadkaan u bixi sidaan ay u kala horreeyaan: Kuma ayaad tahay? Maxaa dhacay? Xaggee ayaad joogtaa?

Farmashiye

  • Daawooyinka badankooda waxaa laga soo gadan karaa farmashiyaha oo keliya.
  • Daawooyinka qaar ka mid ah, sida xanuun-jebiyayaasha fudud, ayaad ka soo gadan kartaa dukaanka cuntada iyo kaalimmaha shidaalka.
  • Shaqaalaha farmashiyaha ayaa kaala talin kara doorashada iyo isticmaalka daawooyinka.
  • Inta badan waxaad u baahan tahay in dhakhtarku kuu qoro warqad aad daawada ku soo gadato. Waxaa warqadda dhakhtarka ku qoran magaca daawada iyo sida loo isticmaalayo.
  • Warqadda dhakhtarka ee daawada lagu soo gato inta badan waa dhigitaal, mar-marna waa xaashi. Warqadda dhakhtarka ee daawaada lagu soo gato ee dhigitaalka ah farmashiyayaasha oo dhan way arki karaan.
  • Markaad farmashiyaha tagto si aad u soo gadato daawo u baahan warqad dhakhtareed, waa in aad aqoonsigaaga ku caddaysaa (kaar bangi, laysin baabuur, baasabboor ama kaar aqoonsi).
  • Haddii aad qabto cudur halis ah oo waaraya, waxaa markaas warqad dhakhtareed oo buluug ah lagugu siin karaa daawooyin, nafaqo iyo qalabka daawooyinka lagu isticmaalo. Qayb yar oo lacag ah oo kugu soo aadda oo keliya ayaad bixinaysaa.
Medisiner på apoteket. Foto
GettyImages

Waajibka xogqarinta

  • Dhammaan shaqaalaha laamaha caafimaadka waxaa saaran waajib xogqarin. Taas oo micnaheedu yahay inaysan warbixintaada sii gudbin karin haddii aadan adigu doonayn. Sidaas ayaad welwella'aan dhakhtarkaaga ugala hadli kartaa wixii dhibaato ah ee ku haysta. Uma baahnid inaad ka baqdo inay dad kale ogaadaan wixii aad sheegtay, xataa xubnaha soke ee qoyskaagu ma ogaanayaan.
  • Waxaad xaq u leedahay inaad ogaato waxa uu dhakhtarku diiwaankaaga ku qoro.
  • Waajibka xogqarintu weli wuu saaran yahay qofkii aad la hadashay xataa haddii uu shaqada ka tago.
  • Waajibka xogqarintu wuxuu sidoo kale saaran yahay turjubaannada.
  • Carruurta ka weyn 16 sano ayaga ayaa go'aan ka gaari kara in waalidka loo sheegayo macluumaadka caafimaadkooda.

Qaybta lacagta ee qofka ku soo aadda

  • Bukaanku qayb lacag ah ayay bixiyaan, lacagta dhakhtarka inteeda kalena waxaa bixisa dawladda.
  • Bukaanka ayaa bixiya kharashka faashadda, saliingaha, daawada, tijaabooyinka iwm., ayaga oo dheeri ka ah qaybta lacagta ee qofku bixinayo.
  • Carruurta ka yar 16 sano ma bixinayaan qayb lacag ah.
    Koontaroollada uurku waa bilaash.
  • Qaybta lacagta ee qofka ku soo aadda halkii mar ee dhakhtarka joogtada ah loo tago caadiyan waa 150–300 karoon.
  • Haddii aad qabto cudur waaraya, waxaad bixinaysaa qayb ka mid ah lacagta daawada aad ku soo qaadanayso warqadda buluugga ah.
  • Markaad hal sanad gudihiis bixiso caddad lacag ah go'an, waxaad xaq u yeelanaysaa kaar bilaash ah. Markaad bixiso qaybtaas lacagta ah ee kugu soo aadday HELFO ayaa kuu soo diraysa kaar bilaash ah ama kaar bilaash ah oo dhigitaal ah ayaad ka helaysaa helsenorge.no. Waa inaad kaarka dhiibataa markaad dhakhtarka u tagto ama aad daawo ku gadanayso warqad buluug ah. Sanadkaas inta ka hartay ma bixinaysid qayb lacag ah.

Isticmaalka turjubaanka

Haddii aadan dhakhtarka iyo adigu is fahmayn turjubaan ayaad xaq u leedahay marka aad dhakhtarka u tageyso. Turjubaanku bilaash ayuu kuu yahay.

Wada hadla

  • Sidee ayay u shaqeeyaan laamaha caafimaadka ee waddammada aad taqaanno?
  • Marka bukaanka bilaash lagu daaweeyo, dawladda ayaa lacagta bixinaysa. Xaggee ayay dawladdu lacagta ka keentaa?
  • Waa maxay faa'iidada in dhakhtar joogto ah la lahaado?
  • Waa xaggee dhakhaatiirta soojeedka leh ee kuugu dhow?

Dooro jawaabta saxda ah

Maxaa loola jeedaa hay'ad caafimaad oo dawladeed?

Dooro jawaabta saxda ah

Yaa u horreeya oo lala xiriiraa marka dhakhtar loo baahdo?

Dooro jawaabta saxda ah

Norway qof marka isbataal la dhigo meeqa lacag ah ayaa laga rabaa inuu baxsho?

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

In qofka lagu daaweeyo qaybta bukaansocod-eegtada ee isbataallada waxaa loola jeedaa in isbataal lagugu daaweynayo, laakiin aan lagu seexinayn
Dhammaan shaqaalaha laamaha caafimaadka waxaa saaran waajib xogqarin.
Koontaroolka uurku wuxuu joogaa inta u dhexaysa 150 iyo 300 oo karoon.
Haddii qofi aad u xanuunsado ama dhaawac soo gaaro oo gargaar degdeg ah loo baahan yahay, waa inaad wacdaa 113.
Dhakhtar joogto ah tusaale ahaan waa dhakhtarka cudurrada dumarka, dhakhtarka cudurrada maqaarka, dhakhtarka cudurrada sanka-dhegaha-cunaha.

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

Turjubaanka waxaa saaran waajib xogqarin.
Marka uu ilmo isbataal galo, inta badan waalidka midkood ayaa ilmaha isbataalka kula jira.
Norway kama jiraan adeegyo caafimaad oo gaar loo leeyahay.
Xanuun-jebiyayaasha fudud farmashiyaha oo keliya ayaa laga soo gadan karaa.
Markaad hal sanad gudihiis bixiso caddad lacag ah oo go'an, waxaad xaq u yeelanaysaa kaar bilaash ah.