Ka fiirsashada iyo dareenka anshaxa

Lærerinnhold

Tips til undervisningen

Snakk sammen

Det er viktig å snakke sammen om hvordan man kan vurdere hvor troverdig informasjon er. Vi blir alle bombardert med informasjon fra ulike kilder. Noen ganger får vi motstridende informasjon. Hvem skal man da stole på? Har avsender av informasjon en egen agenda? Skal man for eksempel stole på informasjon fra myndighetene eller fra venner om informasjonen er motstridende?

Hvordan blir det hvis barna lærer ikke å si i mot foreldrene hjemme og samtidig lærer i barnehagen eller på skolen å stille spørsmål og argumentere?

Tips til undervisninga

Snakk saman

Det er viktig å snakke saman om korleis ein kan vurdere kor truverdig informasjon er. Vi blir alle bombarderte med informasjon frå ulike kjelder. Nokre gonger får vi motstridande informasjon. Kven skal ein då lite på? Har avsendaren av informasjonen ein eigen agenda? Skal ein til dømes lite på informasjon frå styresmaktene eller frå vener dersom dei gjev motstridande informasjon?

Korleis blir det dersom barna heime lærer å ikkje seie imot foreldra og samstundes lærer i barnehagen eller på skulen å stille spørsmål og argumentere?

Læreplan

Grunnleggende ferdigheter

Digitale ferdigheter
Muntlige ferdigheter

Tverrfaglige tema

Demokrati og medborgerskap

Læreplan i samfunnskunnskap for voksne innvandrere etter integreringsloven

bruke kunnskap om personvern og opphavsrett, samt retten en selv og andre har til privatliv
samtale om betydningen av kritisk tenkning og etisk bevissthet, blant annet knyttet til digital dømmekraft

Kjerneelement

Perspektivmangfold og kritisk tenkning

Læringsaktivitet

Muntlig aktivitet

Ka fiirsashada iyo dareenka anshaxa

Seks personer står ved siden av hverandre. De holder opp tankebobler og snakkebobler laget med papir i forskjellige farger. Bildet illustrerer at de har forskjellige meninger. Foto
GettyImages

Bulshada norwiijigu waxay hadda xoogga saartaa in qof walba iskiis u fikiro. Carruurtu waxay iskoolka ku bartaan in ay ahaadaan kuwo jecel in ay wax ogaadaan oo ay gaaraan go'aammo ayaga ku habboon ayaga oo kuwaas ku salaynaya aqoontooda. Waxay bartaan in ay doodaan, wax falanqeeyaan oo ay halabuur yeeshaan. Kuma filna in lagu soo celiyo wixii macallinku yiri ama ku qoran buugga wax laga barto. Si aqoon iyo fahan cusub loo kasbado, waa in su'aalo la iska weydiiyo oo laga doodo waxyaalihii hore. Islamarkaana waxaa diyaar loo ahaanayaa in aqoonta iyo khibradda la leeyahay ay ahaan karaan kuwo aan dhammaystirnayn.

Et nærbilde av et forstørrelsesglass foran en PC-skjerm. Bildet illustrerer at man bør granske kildene sine. Foto
GettyImages

Waxaan maanta ku nool nahay bulsho warbixin ku dhisan. Ma jiro qof xafidi kara warbixinta oo dhan. Markaas waxaa muhiim noqonaysa in la ogaado sida iyo meesha laga helayo warbixinta loo baahan yahay. Waa in aan tusaale ahaan internetka iyo buugaagta warbixin ka raadsannaa. Qof kasta ayaa warbixin soo gelin kara internetka - waxyaalaha internetka ku jirana kulligood sax ma wada aha. Sidaas darteed waxaa muhiim ah in aan ka feejignaanno ilaha aan wax ka soo xiganayno.

Ilaha oo laga feejignaado waxaa loola jeedaa in la qiimeeyo waxa la akhrinayo. Qofka wax akhrinaya waa in uu is weydiiyaa su'aalo adag sida tuaale ahaan:

  • Yaa qoray qoraalka?
  • Qofka qoray ma dan gaar ah buu leeyahay?
  • Waa maxay danta uu ka leeyahay in uu qoraalkan sidaan u qoro?
  • Macluumaadku sax miyaa?
  • Xaqiiqdii muhiimka ahayd oo dhan ma la soo bandhigay, mise xaqiiq badan ayaa laga tagay?

Haddii aan wax-soosaarkayaga ku isticmaalno qoraallo, sawirro, muusik iwm. ay dad kale leeyihiin, had iyo jeer waa in aan sheegnaa cidda iska leh xuquuqda waxyaalahaas aan isticmaalnay.

Baraarugga anshuxu waa isu dheellitirka waxyaalo kala duwan, si ay kuugu fududaato in aad go'aan qaadato oo qiimayn ku samayso go'aankaaga. Waxaad ku fiicnaanaysaa in aad samayso sida u roon bulshada, dadka kugu xeeran iyo adiga laftigaaga.

  • Baraarugga anshaxu waa tixgelinta waxyaalo kala duwan iyo isu miisaamiddooda. Wuxuuna muhiim u yahay sidii loo ahaan lahaa qof fikiraya oo mas'uul ah. Waxbarashadu waxay horumarinaysaa awoodda ardaygu u leeyahay in uu sameeyo qiimayn anshax ku salaysan, waxayna ku baranayaan mas'alooyinka anshaxa.
  • Ka fiirsashada iyo baraarugga aanshuxu waxay marar badan shardi u yihiin islamarkaana qayb ka yihiin waxbarashada, waxayna gacan ka geystaan in ardaydu bartaan awood ay wax ku qiimeeyaan.

Xigasho: Agaasinka waxbarashada

Wada hadla

  • Maxaa loola jeedaa feejignaanta ilaha wax laga soo xiganayo?
  • Muhiimad intee le'eg ayay leedahay in ardayda iyo dadka kaleba ay su'aal ka keenaan waxyaalaha ay internetka ka akhristaan?
  • Dugsiyada norwiijigu waxay ardayda ku guubaabiyaan in ay doodaan oo ay lahaadaan fikradahooda gaarka ah. Sidee ayaad taas u aragtaa? Maxaase keenay? Taasi saamayn ma ku yeelanaysaa barbaarinta carruurta iyo xiriirka u dhexeeya waalidka iyo carruurta?

Qoys ka kooban afar qof ayaa u baahan gaari cusub. Gaariga waxaa lagu aadi doonaa safarro gaagaaban iyo kuwo dhaadheer labadaba. Martin iyo Maria waxay ka fikirayaan gaarigii ay dooran lahaayeen.
1. Gaari weyn oo lix kursi leh oo safarrada gaagaaban iyo kuwa dhaadheer labadaba lagu aadi karo. Gaarigu waa naafto, wuxuuna leeyahay boos ay awoowe iyo ayeeyo fadhiistaan.
2. Gaari koronto ah oo ay qoysku ku aadi karaan safarrada gaagaaban, laakiin u baahan in dhexda lagu cabbeeyo haddii safar dheer loo baxo. Gaarigaasi ma laha boos ay awoowe iyo ayeeyo fadhiistaan.

Martin iyo Maria bey'adda ayay ka fikiraan, ayaga ayaana ah qaraabada ugu dhow awoowe iyo ayeeyo. Maxay yihiin baad u malaynaysaa mas'alooyinka anshaxa ee ay Martin iyo Maria ka doodayaan?

Mann og kvinne sitter med en pc og diskuterer. Foto
GettyImages

Dooro jawaabta saxda ah

Maxaa loola jeedaa feejignaanta ilaha wax laga soo xiganayo?

Dooro jawaabta saxda ah

Maxaa sax ku ah bulshada norwiijiga?

Dooro jawaabta saxda ah

Maxaa loo baahan yahay in la xasuusto marka la akhrinayo wax internetka ku jira?. Jawaabo badan ayaa sax ah.

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

Warbixinta internetka ku jirta waa warbixin sax ah.
Norway in wax laysku raaco ayaa hadaf ah.
Baraarugga anshuxu waa tixgelinta waxyaalo kala duwan iyo isu miisaamiddooda si ay kuugu fududaato inaad go'aan qaadato oo doorashada qiimayn ugu samayso.
Feejignaanta ilaha wax laga soo xigto waxaa loola jeedaa inaan lagu raacsanayn waxa la akhrinayo.
Ka fiirsashada iyo baraarugga anshaxu waxay kobciyaan awoodda qiimaynta.

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

Markaad akhriso warbixin internetka ku jirta, waa inaad warbixinta su'aalo iska weydiisaa.
Carruurtu waxay iskoolka ku bartaan inay fikradahooda ka doodaan.
Marar badan ka fiirsashada iyo baraarugga anshaxu waxbarashada ayay qayb iyo shardiba u yihiin.
Dad oggolaasho haysta oo keliya ayaa internetka warbixin gelin kara.
Si aqoon cusub iyo fahan loo helo, waa in su'aalo layska weydiiyo oo laga doodo waxyaalaha jira ee laysla og yahay.