Maalmaha feestooyinka- iyo ciidaha ah

Lærerinnhold

Tips til undervisningen

Start med å snakke om merkedager i egen kultur. Kanskje noen av disse markeres i nærmiljøet i Norge også? Her bør læreren ha undersøkt på forhånd og tipse deltakerne.

Læreren bør også kunne fortelle litt om ulike skikker, små ritualer o.l. som hører til de ulike hellig- og merkedagene i Norge. Slikt kan det være nyttig for deltakerne å kjenne til.

Nasjonaldagen, 17. mai, er et typisk eksempel på dager som deltakerne kan føle for å feire etter hvert.

Samtalestarter

Meryam
Meryam og familien hennes har nettopp kommet til Norge. Det er snart jul, og på skolen jobber klassen med ulike oppgaver om jul og julefeiring. De skal også ha adventskalender og gå rundt juletreet. Meryams foreldre er ikke kristne. Meryam skal lære om kristne tradisjoner på skolen og foreldrene er usikre på hva dette innebærer.

  • Hva tenker du om foreldrenes situasjon?
  • Hva tenker du om Meryams situasjon?

Amir
Amir går i andre klasse på skolen. Han og familien kom til Norge for kort tid siden. Nå er Amir invitert i bursdagsselskap til en klassekamerat. Foreldrene hans er usikre. De vet ikke hvordan et slikt selskap foregår, og hva som forventes av dem.

  • Tror du Amir får gå i selskapet?
  • Hvilke grunner kan foreldrene ha til å si ja eller nei?
  • Hvilke konsekvenser kan det få for Amir om han får gå i selskapet eller ikke?

Tips til undervisninga

Start med å snakke om merkedagar i deltakarane sin eigen kultur. Kanskje blir nokre av desse merkedagane markerte i nærmiljøet her i Noreg òg? Her bør læraren ha undersøkt litt på førehand og tipse deltakarane.

Læraren bør òg kunne fortelje litt om ulike skikkar, små ritual og liknande som høyrer til dei ulike helge- og merkedagane i Noreg. Det kan vere nyttig for deltakarane å kjenne til slikt.

Nasjonaldagen, 17. mai, er eit typisk døme på ein dag som deltakarane etter kvart kan føle for å feire.

Samtalestartar

Meryam
Meryam og familien hennar er nettopp komne til Noreg. Det er snart jul, og på skulen jobbar klassen med ulike oppgåver som har med jul og julefeiring å gjere. Dei skal òg ha adventskalender og gå rundt juletreet. Foreldra til Meryam er ikkje kristne. Meryam skal lære om kristne tradisjonar på skulen, og foreldra er usikre på kva dette inneber.

  • Kva tenkjer du om situasjonen til foreldra?
  • Kva tenkjer du om situasjonen til Meryam?

Amir
Amir går i andre klasse på skulen. Det er ikkje så lenge sidan han kom til Noreg med familien sin. No har ein klassekamerat invitert Amir til bursdagsselskap. Foreldra er usikre. Dei veit ikkje korleis eit slikt selskap går føre seg eller kva som er venta av dei.

  • Trur du at Amir får gå i selskapet?
  • Kva grunnar kan foreldra ha for å seie ja eller nei?
  • Kva følgjer kan det få for Amir om han får eller ikkje får gå i selskapet?

Læreplan

Grunnleggende ferdigheter

Digitale ferdigheter
Muntlige ferdigheter

Tverrfaglige tema

Demokrati og medborgerskap

Læreplan i samfunnskunnskap for voksne innvandrere etter integreringsloven

gi eksempler på viktige merke- og helligdager, og hvordan disse markeres

Kjerneelement

Demokratiforståelse og deltakelse

Læringsaktivitet

Muntlig aktivitet

Maalmaha feestooyinka- iyo ciidaha ah

Maalinta 1-aad ee sanadka cusub

En kalender som viser første januar. Foto
GettyImages

Maalinta koowaad ee sanadku waa 1-da jannaayo. Maalintaan waxaan ugu yeernaa Maalinta 1-aad ee sanadka cusub. Dukaammadu waa xiran yihiin, dad badan ayaa shaqada fasax ka ah, carruuruhuna iskoollada fasax ayay ka yihiin.

Maalinta dadka saamiga ah

Det samiske flagget. Foto
GettyImages

Dadka saamiga ah ee deggan Finland, Norway, Ruushka iyo Iswiidhan 6-da febraayo ayay u dabbaaldegaan maalinta dadka saamiga ah. Maalintaasi Norway waxay ka tahay maalin calan oo rasmi ah, laakiin ma aha feesto fasax la yahay.

Maalinta haweenka

Markering av kvinnedagen på Youngstorget, Oslo. Foto
Håkon Mosvold Larsen/NTB

8-da maarso waa maalinta haweenka adduunka. Waxaa markii ugu horreysay Norway laga xusay 1915-kii. Sanadihii 1970-yadii dad badan baa u soo jeestay hawlaha sinnaanta iyo xuquuqda dumarka, markii danbana maalinta dumarka adduunka ayaa Norway sanad walba looga dabbaaldegi jirey laga soo billaabo 1972-kii. Dadka qaar baa gaardiya 8-da maarso, waxaana la soo jeediya qudbo iyo dhambaallo. 8-da maarso ma aha feesto fasax la yahay.

Booskaha

Barnehender maler et egg. Illustrasjon for påske. Foto.
GettyImages

Booskaha waxaa la galaa maarso ama abriil. Wakhtiga uu ku soo aado sanadba waa si. Booskuhu waa ciid masiixi oo loo dabbaaldego dhimashadii iyo soo noqoshada Ciise. Dad badan oo Norway ku nool ayaysan booskuhu hor iyo horraanba u ahayn maalin diineed, ee u tahay maalmo fasax ah kaddib markii ay soo mareen jiilaal dheer.

Khamiista skjærtorsdag, jimcaha langfredag iyo maalinta 1-aad iyo tan 2-aad ee booskaha ayaa ah maalmo ciido ah. Dukaammadu waa xiran yihiin, dad badan ayaana shaqada fasax ka ah maalmahaan. Carruurtu iskoollada fasax bay ka yihiin booskaha oo dhan, shaqaale badan ayaa maalmo kale ku sii darsada kuwii ciidda ee fasaxa la ahaa.

Kristi himmelfartsdag iyo biinsaha

En hvit kirke. Utenfor er det en kirkegård. Bak kirken kan vi se fjell og en blå himmel med noen skyer. Foto
GettyImages

Kristi himmelfartsdag iyo biinsaha ayaa ayaguna ah labo ciidood oo masiixi ah. Kristi himmelfartsdag waa khamiis ku aaddan 40 maalin booskaha kaddib. 10 maalin Kristi himmelfartsdag kaddibna waa biinse. Kristi himmelfartsdag iyo maalinta 2-aad ee biinsaha waa maalmo ay dad badani fasax yihiin, dukaammaduna waa xiran yihiin.

Maalinta shaqaalaha

Faner og folk på Youngstorget. Foto
Birna Rørslett/NTB

1-da maajo waa maalinta shaqaalaha adduunka. Dad badan baa gaardis ka qayb gala oo muujiya arrimaha siyaasadda ee ay xiisaynayaan. 1-da maajo waa maalin feesto ah, dukaammaduna waa xiran yihiin.

Maalinta calanka

Audun Braastad/NTB

17-ka maajo waa maalinta calanka Norway. Waxaan u dabbaaldegnaa in waddanku dastuur yeeshay 17-kii maajo 1814-kii. 17-ka maajo waa maalinta carruurta. Carruuraha dhigta xannaanooyinka carruuraha- iyo kuwa iskoollada badankooda intay dhar qurxan soo xirtaan ayay gaardiyaan, oo calanka norwiijiga lulaan - wayna heesaan. Gaardiska waxaa ka qaybqaata kooxo muustikaalay ah oo yunifoom qurxan xiran. Carruur badan ayaa muustikaalaydaas muusigga u tuma.

17-ka maajo carruurtu intay doonaan bay ka cunaan jallaatada iyo bolsaha. Carruurta Norway si farxad badan leh ayay ku sugaan maalintaan. 17-ka maajo waa maalin feesto ah, dukaammaduna waa xiran yihiin.

Ciidda masiixiga

Jente holder en julegave. Juletre med lys i bakgrunnen. Foto.
GettyImages

Norway dad badan bisha diseembar waxay u dabbaaldegaan ciidda masiixiga. Ciidda masiixigu waa ciid masiixi oo lagu xuso dhalashadii Ciise. Ciidda masiixiga iyo xuskeedu waa caado muhiim u ah dadka badankooda. Ciidda masiixigu waa feesto qoys.

24-ka diseembar waxaa la dhahaa fiidka ciidda masiixiga. Waxaa sida caadiga ah lala casheeyaa qoyska ayada oo la cunayo cunto caado ahaan xilligaas la cuno. Caadooyin kala duwan ayaa ka jira qaybaha kala duwan ee waddanka. Qoysaska badankooduna waxay leeyihiin caadooyin u gaar ah, kuwaas oo ay muhiim u arkaan in la sii haysto. Fiidka ciidda masiixiga waxaa sida caadiga ah laysa siiyaa hadiyado - hadiyadaha ciidda masiixiga.

Maalinta 1-aad iyo tan 2-aad ee ciidda masiixiga waa maalmo ciid ah. Dukaammadu waa xiran yihiin, dad badan ayaana shaqada fasax ka ah maalmahaan. Carruuruhu iskoollada fasax bay ka yihiin ciidda masiixiga oo dhan, shaqaale badan ayaa ayaguna fasax qaata oo ku sii badsada maalmaha ciidda.

Habeenka sanadka cusub

Fyrverkeri med mange farger. Foto
GettyImages

Maalinta sanadka ugu danbaysa waa 31-da diseembar. Habeenkaas waxaa la dhahaa habeenka sanadka cusub, dad badan ayaana la dabbaaldega qoyskooda iyo saaxiibbadood. Habeenbarkii markay tahay ayaan inta badan waxaan aragnaa rash iyo baaruud ifiya cirka madow ee habeenka ah. Habeenka sanadka cusub fasax lama aha.

Caadooyinka aan kalandaariyaha la socon: maalinta dhalashada, arooska, walqalka masiixiga, xaqiijinta diinta iyo aaska.

Wada hadla

  • Sheeg maalmaha la xuso ee aad horey u taqaannay? Sideed u baratay in loo xuso?
  • Maxay dadku ugu dabbaaldegaan maalmo kala duwan?
  • Sheeg maalmaha la xuso ee adiga muhiimka kuu ah? Sidee ayay xusidda kuwaan isu beddelaysaa hadda marka aad Norway ku nooshahay?
  • Ma laga yaabaa inay marka danbe muhiim kuu noqdaan maalmaha sida caadiga ah Norway laga xuso?
To barn som har tent lysene i en lysestake som blir brukt under den jødiske lysfesten hanukka. Foto.
GettyImages
Far og datter feirer Divali. Foto.
GettyImages
Jente pynter juletre. Julegaver ved siden av. Foto
GettyImages
Audun Braastad/NTB

Dooro jawaabta saxda ah

Sheeg maalmaha aan fasaxa ahayn?

Dooro jawaabta saxda ah

Waa goorma maalinta calanka Norway?

Dooro jawaabta saxda ah

Sheeg magaca maalinta sanadka ugu danbaysa?

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

Maalinta koowaad ee sanadka waxaa loogu yeernaa maalinta 1-aad ee sanadka cusub.
Maalinta dadka saamigu waa 6-da febraayo.
Maalinta haweenku waa 8-da febraayo.
Wakhtiga booskuhu ku soo aado sanadba waa si.
Dad badan baa biinsaha gaardis ka qayb gala oo muujiya arrimaha siyaasadda ee ay xiisaynayaan.

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

Khamiista skjærtorsdag waa maalin ciid ah.
Maalinta calanka badanaa carruurtu intay doonaan bay ka cunaan jallaatada iyo bolsaha.
Fiidka sanadka cusub waxaa sida caadiga ah laysa siiyaa hadiyado.
Maalinta calanka waxaan u dabbaaldegnaa in Norway dastuur yeelatay 1905-tii.
Kristi himmelfartsdag waa 40 maalin booskaha kaddib.

Dooro sawirka saxda ah

Sheeg maalmaha la xuso ee fasaxa rasmiga ah ee Norway?