Mushaar iyo canshuur
Mushaar iyo canshuur
Mushaar
Norway marka mushaar laga hadlayo waxaa inta badan laga hadlayaa mushaarka sanadkiiba ama midka saacaddiiba. Celcelis ahaan Norway mushaarka sanadkii qiyaastii waa ku lix boqol iyo toddobaatan kun oo karoon canshuurta ka hor (2023). Celcelis ahaan dumarku waxay qaataan mushaar ka yar midka ragga. Taas oo ay sababteedu noqon karto tusaale ahaan in ay dumarku inta badan shaqeeyaan shaqo bar ah, ayaga oo inta badanna doorta xirfado mushaarkoodu hooseeyo.
Mushaarka waa laga wada hadlaa. Wadahadalku ama waa mid toos u dhex mara shaqabixiyaha iyo shaqaalaha ama wuxuu dhex maraa dad matalaya shaqabixiyaha iyo kuwo matalaya shaqaalaha. Marka ay shaqaaluhu ka tirsan yihiin urur shaqaale, ururka shaqaalaha ayaa aalaaba shaqaalaha matala.
Waxaa caadi ah in mushaarku koontada bangiga ku soo dhoco bishiiba taariikh go'an. Waxaa sidoo kale shaqaalaha la siiyaa warqad mushaarbixin oo xambaarsan warbixinta mushaarka iyo canshuurta la gooyay.
Xigasho: SSB
Canshuur
Qaabka ay u habaysan tahay bulshada norwiijigu waa mid ku xiran in dadweynuhu baxshaan noocyo kala duwan oo canshuur ah. Canshuurahaas ayaa maalgeliya lacagaha samafalku baxsho. Norway dadka shaqeeya oo dhan waxay canshuur siiyaan degmada ay ku nool yihiin iyo dawladda. Shaqabixiyayaasha laftigoodu waxay canshuur siiyaan degmada iyo dawladda.
Qof kasta oo ay sanadkiiba soo gasho ugu yaraan caddad xaddidan oo lacag ah waa in uu canshuur baxshaa. Dadku kulligood canshuur isle'eg ma baxshaan. Kuwa ay lacag badan soo gasho, canshuur badan ayay baxshaan. Kuwa ay lacag yar soo gashana, canshuur yar ayay bixiyaan. Ujeeddadu waa in kuwa ladan, ay danta guud wax badan siiyaan.
Marka aad shaqo cusub billaabayso, waan in shaqabixiyuhu ogaadaa canshuurta uu kaa goynayo. Waaxda canshuuraha ayaa xisaabinaysa inta canshuur ah ee aad bixinayso. Adiga ayaa mas'uul ka ah in aad waaxda canshuuraha siiso warbixintaada oo sax ah. Bogga internetka ee waaxda canshuuraha ayaad ka helaysaa macluumaadkaaga, halkaas ayaad na macluumaadka wax uga beddeli kartaa. Shaqabixiyuhu kaarka canshuurta oo dhigitaal ah ayuu la soo baxayaa.
Waxaa shaqabixiyaha waajib ku ah in uu canshuur ka gooyo mushaarka shaqaalaha ka hor intaan mushaarka la bixin. Shaqabixiyuhu dawladda ayuu canshuurta u shubayaa.
Warbixinta dakhliga iyo kharashka
Canshuurta aad bixinayso waxaa lagu salaynayaa macluumaadka ay waaxda canshuuraadku kaa hayso. Bilaha maarso/abriil ayaa dadka oo dhan loo soo gudbiyaa dakhligoodii sanadkii hore. Waxaa laguugu soo gudbinayaa hab dhigitaal ah, waana in qofku galaa bogga www.skattetaten.no si uu u hubiyo in tirooyinku sax yihiin. Haddii aad canshuur badan bixisay, lacag ayaa laguu soo celinayaa. Haddii aad canshuur yar bixisayna, waxaa laguu soo dirayaa warqaddii aad lacagta ku bixin lahayd.
Internet
Heshiis shaqo
Qof kasta oo meel ka shaqeeya wuxuu xaq u leeyahay in uu helo heshiis shaqo oo qoraal ah. Shaqabixiyaha iyo shaqaalaha labaduba waa in ay heshiiska saxiixaan. Xeerka bey'adda shaqada ayaa caddaynaya waxa loo baahan yahay in heshiiska shaqadu ka koobnaado. Waxyaalaha loo baahan yahay in ay ku qornaadaan waxaa ka mid ah sharraxaadda jagada, mushaarka iyo heshiiska wakhtiga shaqada.
Shaqo suuq madow ah
In suuq madow lagu shaqeeyo waxaa loola jeedaa shaqo aan heshiis lahayn oo aan qofka canshuur laga goynin. Sidoo kale, shaqabixiyuhu qofka shaqaalaha ah kama baxsho canshuurta shaqabixiyaha iyo caymiska shaqaalaha midna. Shaqada suuqa madow ah waa denbi oo waxaa loo arkaa fal-denbiyeed dhaqaale. Shaqabixiyaha iyo shaqaalaha labadaba waa loo ciqaabi karaa shaqada suuqa madow.
Shaqada suuqa madow waa wax xun. Qofka shaqaalaha ah ee aan canshuurta bixinnin, danta guud kama qaybqaadanayo. Shaqada suuqa madow darteed ayay sanad walba dawladdu lumisaa malaayiin badan oo kala ah dakhli canshuur, canshuurta shaqabixiyaha iyo caymiska shaqaalaha. Waa lacag la rabay in lagu bixiyo samafallada.
Shaqada suuqa madow waa sharcidarro waana wax xun, waxayna dhib weyn u keeni kartaa qofka shaqaalaha ah:
- mushaar lama helayo haddii la jirrado
- lacag fasax lama helayo
- dhibco hawlgab lama helayo
- lacag yoomiye xaq looma laha haddii shaqala'aan la noqdo
- caymiska shilalka shaqada laguma jiro
- bangiga lacag lagama amaahan karo
- heshiis shaqo lama helayo – caddayn lama helayo marka shaqada laga tago – lama caddayn karo khibradda shaqada – way adkaanaysaa in shaqo kale la helo
Wada hadla
- Waa sidee nidaamka canshuuraha ee waddankaagii?
- Cawaaqib sidee ah ayay bulshada norwiijiga u soo jiidi lahayd haddii aysan dadweynuhu canshuur bixin lahayn?
- Maxaa muhiim ka dhigaya heshiis shaqo oo qoraal ah?
- Ka dooda cawaaqibka shaqada suuqa madow ee qofka gaarka ah iyo bulshada guud ahaan.
Dooro jawaabta saxda ah
Waa maxay mushaar canshuurta ka hor?
Dooro jawaabta saxda ah
Waa maxay warqadda mushaarku?
Dooro jawaabta saxda ah
Maxaa loola jeedaa shaqo suuq madow?
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?