Ururrada shaqaalaha
Ururrada shaqaalaha
Shaqaalaha iyo shaqabixiyayaasha Norway labaduba waxay leeyihiin ururro ilaaliya xuquuqdooda iyo fursadaha ay u leeyihiin in ay ka wada shaqeeyaan heshiisyada muhiimka ah. Shaqaalaha Norway qiyaastii boqolkiiba konton ayaa xubin ka ah urur shaqaale.
Hawlaha ugu muhiimsan ee ururrada shaqaaluhu waa in ay shaqabixiyayaasha kala xaajoodaan mushaarka iyo xuquuqaha kale. Waxay xuquuqahani noqon karaan muddada shaqada, fasaxa iyo xaqa loo leeyahay in wax la barto ayada oo la shaqaynayo. Marka uu wadaxaajoodku dhammaado waxaa la galaa heshiisyo shaqabixiyayaasha iyo shaqaalahaba waajib ku ah. Haddii ay kooxuhu heshiin waayaan, waxay shaqaaluhu xaq u yeelan karaan in ay shaqajoojin sameeyaan.
Si goobta shaqada looga dhigo meel bey'addeedu wanaagsan tahay, waa in ay shaqaalaha iyo shaqabixiyayaashu ka wada shaqeeyaan heshiisyada kala duwan. Sidaas darteed ayaa goobaha shaqada ee norwiijiga habab kala duwan shaqaalaha loogu suurageliyaa in ay go'aammada wax ku lahaadaan iyo in ay dimoqoraaddiyad ka jirto goobta shaqada. Qofka shaqaalaha ah waa in fikraddiisa la dhegeystaa oo uu ka qaybqaataa xaaladdiisa shaqo. Ururka shaqaalaha oo shaqaalaha matalaya ayaa ka qaybqaadanaya wadahadallada goobta shaqada oo warbixin helaya.
Shaqabixiyayaasha oo dhan waxaa waajib ku ah in ay ilaaliyaan ammaanka, caafimaadka iyo bey'adda (HMS) goobta shaqada. Waxaa hawlahaan la soconaya qof shaqaalaha matalaya, ilaaliyaha danaha shaqaalaha iyo qof maammulka matalaya.
Wada hadla
- Kaalin caynkee ah ayay dalkaagii ururrada shaqaaluhu ku jiraan?
- Ka dooda xaqa shaqajoojinta iyo mararka la isticmaali karo.
- Maxaad u malaynaysaa sababta ay dad badani ugu biiraan ururrada shaqaalaha?
- Maxaad u malaynaysaa sababta ay ku dhowaad boqolkiiba konton u doortaan in aysan ku biirin ururrada shaqaalaha?
Dooro jawaabta saxda ah
Shaqaalaha Norway boqolkiiba intee ayaa ka tirsan urur shaqaale/hay'ad xirfadlayaal?
Dooro jawaabta saxda ah
Waa maxay hawsha ugu muhiimsan ee ururka shaqaalaha?
Dooro jawaabta saxda ah
Maxay shaqaaluhu samayn karaan haddii ay shaqabixiyayaasha iyo shaqaaluhu heshiin waayaan?
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?