Norway laga soo billaabo 1814 ilaa 1905

Lærerinnhold

Tips til undervisningen

Nasjonalromantikken: Spill Grieg i klassen (for eksempel «I Dovregubbens hall» og/eller «Morgenstemning») og vis et av de nasjonalromantiske maleriene på lerretet/skjermen.

Snakk sammen

Her er det viktig å ta i bruk deltakernes egne erfaringer og tanker rundt nasjonalfølelse. Samtidig må læreren kjenne deltakergruppa si godt. Det kan sitte deltakere i gruppen som tilhører minoriteter og majoriteter i hjemlandet og det kan oppstå vanskelige situasjoner i klasserommet.

Nasjonaldagen feires på ulike måter rundt i verden. I Norge er det fokus på barna, barnetog, korpsmusikk, leker og is. Mange steder kan fokuset rundt nasjonaldagen være på militæret og ulike parader.

Forholdet mellom Norge og Sverige (og Danmark) er i dag vennskapelig. Vi har på mange måter felles verdier og kultur, og forstår hverandre språklig.

Stikkord til spørsmålet om utviklingen av Norge: grunnlov, nasjonalfølelse, unionsoppløsning, litteratur og kunst, dannelsen av politiske partier, industri, utvandring, humanistiske verdier inspirert av bl.a. den franske revolusjonen og den amerikanske uavhengighetserklæringen

Tips til undervisninga

Nasjonalromantikken: Spel Grieg i klassen (til dømes I Dovregubbens hall og/eller Morgenstemning) og vis eit av dei nasjonalromantiske måleria på lerretet/skjermen.

Snakk saman

Her er det viktig å bruke deltakarane sine eigne erfaringar og tankar om nasjonalkjensle. Samstundes må læraren kjenne deltakargruppa si godt. Det kan sitje deltakarar i gruppa som høyrer til minoritetar og majoritetar i heimlandet, og det kan oppstå vanskelege situasjonar i klasserommet.

Nasjonaldagar blir feira på ulike måtar rundt om i verda. I Noreg fokuserer vi på barn, barnetog, leikar og is. Mange stader står militæret og ulike paradar i fokus for nasjonaldagsfeiringa.

I dag er forholdet mellom Noreg og Sverige (og Danmark) venskapeleg. Vi har på mange måtar felles verdiar og kultur, og vi forstår kvarandre sine språk.

Stikkord til spørsmålet om utviklinga av Noreg: Grunnlov, nasjonalkjensle, unionsopplysing, litteratur og kunst, danning av politiske parti, industri, utvandring, humanistiske verdiar inspirerte av m.a. den franske revolusjonen og den amerikanske uavhengigheitserklæringa

Læreplan

Grunnleggende ferdigheter

Muntlige ferdigheter
Digitale ferdigheter

Tverrfaglige tema

Demokrati og medborgerskap

Læreplan i samfunnskunnskap for voksne innvandrere etter integreringsloven

gi eksempler på noen av de viktigste historiske hendelsene og prosessene som har dannet grunnlaget for framveksten av demokratiet i Norge  

Kjerneelement

Demokratiforståelse og deltakelse

Læringsaktivitet

Muntlig aktivitet

Norway laga soo billaabo 1814 ilaa 1905

Riksforsamlingen på Eidsvoll i 1814. Maleri.
Stortingets kunstsamling

Burbrukii midowga iyo midow cusub

Dagaallo badan ayaa Yurub ka dhacay billowgii qarnigii 19-aad, waxaa kuwaas ka mid ahaa dagaal weyn oo dhex maray Faransiiska oo dhinac ahaa iyo Ingiriiska oo dhinaca kale ahaa. Dagaalladaas waxaa loo yaqaannaa dagaalladii Naabuliyoon. Boqortooyadii Danmark-Norway waxay la jirtay Faransiiska, markii Faransiiska la jebiyayna waxaa boqorkii Danmark khasab ku noqotay inuu Norway bixiyo oo siiyo Iswiidhan oo ayadu Ingiriiska la jirtay.

1814 ayaa la baabbi'iyay midowgii Danmark iyo Norway. Norwiiji badan ayaa rajaynayay in Norway noqoto waddan madaxbannaan, markaas ayaa 112 nin oo awood lahaa isugu tageen Eidsvoll. Waxay doonayeen inay dastuur u qoraan Norway madaxbannaan. 17-kii maajo ee sanadkaas ayay Norway yeelatay dastuur gooni ah, sidaas darteed ayuu 1814 u yahay sanad muhiim ah marka la eego taariikhda norwiijiga.

Si kastaba waxaa Norway lagu khasbay inay Iswiidhan la midowdo, bishii nofeembar 1814 ayaana dhidibbada loo aasay midowgii Iswiidhan iyo Norway. Midowga Iswiidhan wuu ka debecsanaa kii hore ee Danmark. Norway waxaa loo oggolaaday inay haysato dastuurkeeda oo wax yar laga beddelay, waxaana waddanku lahaa ismaammul gudaha ah. Golaha Shacabka, Stortinget, ayaa la gundhigay 1814.

Siyaasadda arrimaha dibedda waxaa laga maammulayay Iswiidhan, boqorka labada waddanna wuxuu ahaa Iswiidhis. Waxaa la oran jirey Karl Johan, waddada Oslo ugu weyn na asaga ayaa loogu magac daray.

Waddaniyad iyo aqoonsiga norwiijiga

Et maleri av en robåt i en norsk fjord. I båten sitter et brudefølge. Fjellene og vannet ser storslått og vakkert ut.
«Caruuskii iyo caruusaddii Hardanger» waxaa sawiray Hans Gude og Adolph Tidemand (1848).

Qiyaastii bartammihii qarnigii 19-aad waxaa Yurub ka soo baxay nooc cusub oo farshaxan iyo dhaqan ah. Waxaa loogu yeeraa waddaniyadda. Waxaa muhiim noqotay in la soo bandhigo waxyaalaha waddanka u goonida ah, oo weliba kuwaas laga dhigo si ka fiican sida ay dhab ahaantii yihiin. Norway waxaa si gaar ah loo soo bandhigi jirey bey'adda qurxoon. Bulshadii beeralayda ahayd ayaa loo arkayay inay ahayd norwiijiga dhabta ah. Waddaniyadda waxaa lagu muujin jirey suugaanta, farshaxanka iyo muusigga intaba. Dad badan ayuu ku dhashay dareen ah inay ku faanaan norwiijinimadooda, qaar badanna waxay doonayeen inay Norway noqoto waddan madaxbannaan.

Kaddib markii dhawr boqol oo sano Danmark midow lagula jirey ayuu af-daanishku ahaa luuqadda la qoro ee Norway. Afka qoran ee maanta loo yaqaanno bokmål, waa af-daanish laga dhigay norwiiji. Muddadii waddaniyadda ayay dad badan oo norwiiji ah waxay qabeen in loo baahan yahay inaan yeelanno af noo gaar ah oo aan ka soo jeedin luuqadda daanishka. Luuqadyahankii la oran jirey Ivar Aasen ayaa Norway oo dhan ku wareegay oo soo aruuriyay tusaalayaal uu ka soo qaatay lahjadaha luuqadda ee kala duwan. Tusaalayaashaas ayuu ka sameeyay af qoran oo cusub, nynorsk. Nynorsk iyo bokmål labaduba wax badan ayaa iska beddelay intii ka danbaysay qarnigii 19-aad, laakiin labaduba waa afaf rasmi ah. Waxaa kale oo asna Norway ka ah af rasmi ah afka saamiga.

Beerfalasho ilaa warshado

Waagii hore Norway dadku waxay ahaayeen beeralay. Bartammihii qarnigii 19-aad qiyaastii boqolkiiba toddobaatan dadka Norway waxay ku noolaayeen tuulooyinka. Waxay inta badan ka shaqayn jireen beeraha iyo kalluumaysiga. Dad badan ayay noloshu ku adkayd. Tiradii dadka ayaa badatay, dhul iyo shaqo dadkoo dhan ku filinna ma jirin. Islamarkaas ayay is-beddello ka dheceen magaalooyinka. Waxaa ka billowday warshado, dad badan ayaana tuulooyinka ka soo guuray oo magaalooyinka u soo guuray si ay shaqo u helaan. Nolosha magaaladu way ku adkayd qaar badan oo qoysaska shaqaalaha ka mid ah. Maalmaha shaqadu waa dheeraayeen, guryuhuna ciriiri ayay ahaayeen. Carruur badan ayay qoysaska badankoodu lahaayeen, waxaana inta badan dhici jirtay inay hal qoys isla degaan hal abbaartammiinto oo yar. Carruur aad iyo aad u badan ayaa warshadaha ka shaqayn jirey si ay qoysku isu dabbaraan .

1850-kii ka hor qiyaastii boqolkiiba shan iyo toban ayay ahaayeen dadka magaalooyinka ku nool. Dabayaaqadii qarnigii 19-aad boqolkiiba soddon iyo shan ayaa magaalooyinka ku noolaa. 1900 boqolkiiba saddex iyo labaatan dadka shaqaalaha ah waxay ka shaqayn jireen warshadaha. Intii u dhexaysay 1850-kii ilaa 1920-kii qiyaastii siddeed boqol oo kun oo norwiiji ah ayaa Maraykanka u haajiray.

Svart-hvitt-bilde av et veveri. Et stort rom med mange vever på rad. Foto
Wilse, Anders Beer / Oslo Museum

Waddan xor ah oo madaxbannaan

Kong Haakon 7. i uniform. Foto
Wilse, Anders Beer/Folkemuseet Boqor Haakon 7.

Kaddib markii uu khilaaf siyaasadeed soo kala dhex galay boqorkii Iswiidhan ayuu Stortinget wuxuu 7-dii juun 1905-tii ku dhawaaqay in aan boqorka Iswiidhan Norway boqor ka ahayn, oo midowgii Iswiidhan lagula jirey uu halkaas ku burburay. Aad ayay Iswiidhan arrintaas uga gilgilatay, waxaana qarka loo saarnaa inuu dagaal ka dhex qarxo Norway iyo Iswiidhan. Laba afti ayaa dadweynaha laga qaaday isla sanadkaas, waxaana halkaas lagu go'aamiyay in la baabbi'iyo midowgii Iswiidhan iyo in qaranka cusub ee Norway uu noqon doono boqortooyo. Boqorkii Iswiidhan wuu aqbalay natiijadii aftida. Ina boqorkii daanishka ahaa ee Carl ayaa loo doortay inuu noqdo boqorka cusub ee Norway. Wuxuu qaatay magaca Haakon oo ka mid ahaa magacyada boqorradii norwiijiga. Boqor Haakon 7. wuxuu Norway boqor ka ahaa laga billaabo 1905 ilaa uu ka dhintay 1957.

Wada hadla

  • Waa maxay sababta Norway looga dabbaaldego 17-ka maajo?
  • Maalinta calanka siyaalo kala duwan ayaa looga dabbaaldegaa waddammada kala duwan. Sidee ayaa maalinta calanka looga dabbaaldegaa waddammada aad taqaanno? Maxay isku mid ka yihiin, maxayse ku kala duwan yihiin habka Norway looga dabbaaldego maalintaas?
  • Qarnigii 19-aad dad badan oo norwiiji ah ayay waddaniyaddu ku xoog badnayn. Waa maxay waddaniyad, sidayse ku abuurantaa?
  • Maxay ku xun tahay waddaniyad aad ah, maxayse ku wanaagsanaan kartaa?
  • Ma u malaynaysaa in muddadii ay midowga ku jireen Iswiidhan iyo Norway inay micne u samaynayso xiriirka labada waddan ee maanta?
  • Waxaad hadda baratay taariikhdii Norway laga soo billaabo 1814-kii ilaa 1905-tii. Ma u malaynaysaa taariikhdaas aad baratay inay muhiimad gaar ah u lahayd isbeddellada Norwayda casriga ah?
Norsk flagg og svensk flagg. Foto.
GettyImages

Dooro jawaabta saxda ah

Goorma ayay Norway dastuur gooni ah yeelatay?

Dooro jawaabta saxda ah

Goorma ayay Norway midow kula jirtay Iswiidhan?

Dooro jawaabta saxda ah

Sidee ayuu Ivar Aasen u sameeyay nynorsk?

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

Boqorkii Denmark ayaa Norway siiyay Iswiidhan markii Faransiiska lagu jebiyay dagaalladii Naabuliyoon.
Dad badan oo norwiiji ah ayaa farxay markii ay Iswiidhan la midoobeen, maxaa yeelay waxay dareemayeen inaysan diyaar u ahayn inay noqdaan qaran madaxbannaan.
Dastuurka norwiijiga 112 nin ayaa Eidsvoll ku qoray 1814.
Stortinget waxaa la gundhigay shan sano kaddib markii dastuurka la qoray.
Boqorkii midowgii Iswiidhan iyo Norway waxaa la oran jirey Karl Johan.

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

Waddada Oslo ugu weyn waxaa loogu magac daray boqorkii midowgii Iswiidhan iyo Norway.
Waddaniyadda waxaa la eegi jirey waxyaalaha fanka ku jira ee waddanka goonida u ah.
Xaaladaha shaqo iyo kuwa degaan ee qoysaska shaqaalaha ah way wanaagsanaayeen qarnigii 19-aad.
Boqorkii u horreeyay ee Norway yeelato burburkii midowga kaddib wuxuu ahaa daanish, waxaana la oray jirey Carl.
Ina boqorkii daanishka ahaa ee Carl wuxuu qaatay magaca Harald 7 markii uu noqday boqorka Norway.

Riix sawirka

Riix xilliga saxda ah ee xarriijinta-wakhtiga. Goorma ayuu Haakon 7. ahaa boqorka Norway?

choice-image