Horummar waaraya
Filinka daawo
Horummar waaraya
Hadafka horummarka waaraya ee QM waa qorshe guud oo dunida oo dhan ku gaarayso horummar waaraya. Qorshaha hadafkiisu waa in aan si wadajir ah u ciribtirno saboolnimada, la dagaallanno farqiyo kala duwan iyo inaan ka hor 2030-ka joojinno isbeddelka cimilada ku dhacaya.
Isbeddelka cimilada
Hawada iyo cimiladu isku mid ma aha. Hawadu waa midda aan maalin walba aragno markaan daaqadda fiirinno ama bannaanka u baxno, meesha cimiladu ka tahay celceliska hawada marka muddo dheer la cabbiro. Qarniyadii u danbeeyay isbeddelo waaweyn ayaa ku dhacay cimilada dhulka. Cilmibaarayaasha cimilada badankoodu waxay aamminsan yihiin in gaasaska kaarboonka ah ee ay dadku sii daayaan inay keeneen isbeddellada waaweyn ee degdegta u dhacaya ee aannu maanta aragno.
Halkan waxaad ku arkaysaa qaar ka mid ah isbeddellada aannu aragno:
- Heerkulka adduunku kor buu u sii kacayaa.
- Baddu kor bay u kacaysaa oo aashitadaa ku sii badanaysa.
- Barafkii wuu dhalaalayaa.
- Roobkii iyo waxyaalihii soo da'ayay si joogto ah uma imaanayaan oo waxa badanaya hawo aad u daran.
Khayraadka dib loo cusboonaysiin karo
Khayraadka dib loo cusboonaysiin karo waa oraah ka hadlaysa khayraad dabiici ah oo iyagu dib isu cusboonaysiiya. Dadku way isticmaali karaan khayraadkaan, laakiin haddii si fiican looga faa'iidaysto dhammaan maayaan.
Qaar ka mid ah khayraadka dib loo cusboonaysiin karo:
- xayawaanka, dhirta iyo geedaha
- waxyaalaha soo da'a, dabaysha iyo biyaha
- fallaaraha qorraxda
Qaar ka mid ah khayraadka aan dib loo cusboonaysiin karin:
- saliidda
- gaaska
- dhuxusha
Cunto safar gaaban ku timid
Cuntada safarka gaaban ku timid waa mid laga soo saaray meel u dhow meesha lagu isticmaalayo. Marka cuntada laga soo saaro deegaanka, waxaa yaraanaya baahida loo qabo gaadiidka, waxaana meesha ka baxaya gaas badan oo cimilada lagu sii deyn lahaa. Waxaa sidoo kale fududaanaya koontaroolka cuntada deegaanka laga soo saaro sida koontaroolka waxyaalaha lagu buufiyo, iyo antibiyootikada hilibka iyo kalluunka - iyo weliba xaaladaha caafimaadka ee xayawaanka.
Wada hadla
- Ka wada hadla isbeddellada cimilada. Sidee looga dareemaa waddankaagi? Sidee looga dareemaa Norway?
- Ka wada hadla khayraadka dib loo cusboonaysiin karo. Maxaa dhacaya haddii ay dadku khayraadkaan u isticmaalaan xawaare ka badan midka ay bey'addu u baahan tahay inay dib isugu cusboonaysiiso?
- Ka wada hadla faa'iidada iyo khasaaraha cuntada safarka gaaban ku timid.
- Muhiim miyaa in waddan walba isku filan yahay? Haddii haa, sababta sheeg?. Haddii maya, sababta sheeg?
- Ka wada hadla hadafka horummarka waaraya ee QM. Hadafyada qaar miyaa kuwa kale ka muhiimsan? Qorshahaan adduunka oo dhan ma isku raacsan yahay?
Dooro jawaabta saxda ah
Waa maxay cimilo?
Dooro jawaabta saxda ah
Maxay cilmibaarayaasha cimilada badankoodu aamminsan yihiin inay keeneen isbeddellada waaweyn ee degdegta u dhacaya ee aan cimilada ku aragno?
Dooro jawaabta saxda ah
Waa maxay khayraadka is cusboonaysiiya?
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?
Dooro sax ama khalad
Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?
Riix sawirka saxda ah
Sawirkee tusaya khayraad aan is cusboonaysiin?