Goobaha bulshadu ku kulanto

Lærerinnhold

Tips til undervisningen

Snakk sammen

Dette handler igjen om tilhørighet til lokalsamfunnet, knytting av kontakter, nettverksbygging, osv. Det kan også handle om utenforskap. Snakk gjerne om konsekvensene for et barn dersom alle kameratene er med på en fritidsaktivitet, mens en selv ikke får være med fordi foreldrene ikke ser viktigheten av det. Det er selvsagt noe helt annet om barnet selv ikke ønsker å være med på aktiviteten.

Læreren bør på forhånd ha skaffet seg en viss oversikt over tilbud og muligheter både for barn og voksne der deltakerne bor. Hva finnes av frivillige organisasjoner, idrettsforeninger osv.

Når det gjelder ulikheter i uskrevne regler, er læreren ofte den beste kilde til å finne eksempler på dette. Lærere som kjenner både deltakernes kultur og bakgrunn og den norske kulturen, vil kunne finne mange eksempler fra dagliglivet.
Eksempler: ta av skoene når man går inn i et hus, spise opp all maten på tallerkenen eller ikke, høflighetsfraser når man møtes, å komme presis til avtaler eller ikke, hilse på fremmede, samtaletemaer, sittemønster på tog og buss og lignende.

Tips til undervisninga

Snakk saman

Dette handlar igjen om å høyre til i lokalsamfunnet, knyte kontaktar, byggje nettverk, osv. Det kan òg handle om utanforskap. Snakk gjerne om kva konsekvensar det kan ha for eit barn om alle kameratane er med på ein aktivitet på fritida, medan ein sjølv ikkje får vere med fordi foreldra ikkje tykkjer det er så viktig. Det er sjølvsagt noko heilt anna om barnet sjølv ikkje har lyst til å vere med på aktiviteten.

Læraren bør på førehand ha skaffa seg ei viss oversikt over tilbod og moglegheiter både for barn og vaksne i området der deltakarane bur – kva som finst av frivillige organisasjonar, idrettsforeiningar osv.

Når det gjeld ulikskapar i uskrivne reglar, er læraren ofte den beste kjelda til døme. Lærarar som kjenner både deltakarane sin kultur og bakgrunn og den norske kulturen, kan finne mange døme frå dagleglivet.
Døme: Om ein tek av seg skoa eller ikkje når ein går inn i eit hus, et opp all maten på tallerken eller ikkje, kva høviske fraser som blir utveksla når ein møtest, å kome presis til avtalar eller ikkje, helse på framande, samtaletema, sitjemønster på tog og buss og liknande.

Læreplan

Grunnleggende ferdigheter

Digitale ferdigheter
Muntlige ferdigheter

Tverrfaglige tema

Folkehelse og livsmestring

Læreplan i samfunnskunnskap for voksne innvandrere etter integreringsloven

bruke kunnskap om omgangsformer i det norske samfunnet og om hvordan man kan delta aktivt på sosiale, frivillige og politiske arenaer

Kjerneelement

Individ og fellesskap

Læringsaktivitet

Muntlig aktivitet

Goobaha bulshadu ku kulanto

Fem voksne mennesker sitter på café. De har hver sin bok åpen foran seg. De smiler og ler, og snakker om boka de har lest. De har bokklubb.
GettyImages

Goobaha ay bulshadu ku kulanto waa meelo dadku ku kulmaan si ay wakhti u wada qaataan. Waxaa laga yaabaa in dadku leeyihiin goobo bulsho oo kala duwan. Qoyska, qoyska soke iyo qaraabada ayaa noqon kara goobo bulsho oo lagu kulmo. Iskoollada iyo goobaha shaqada ayaa dad badan u ah goobo bulshada lagula kulmo oo muhiim ah. Dad badan ayaa saaxiibbadood la kulma wakhtigooda firaaqada ah. Waxaa laga yaabaa in ay makhaayadaha qaxwaha iyo meel la mid ah ku kulmaan, ama guryahooda ayay isugu tagaan. Qaar badan oo ka mid ah dadka waaweyn ayaa dhigta koorsooyin kala duwan ama waxbarasho danbe qaata wakhtigooda firaaqada ah. Qaar baa ka mid ah koox heesta ama qalab muusig ayay tumaan, qaar kalena waxay ku jiraan ururro kala duwan. Kuwaan laftigoodu waa goobo bulshadu ku kulanto.

Firfircoonida la qabto wakhtiga firaaqada la yahay ee abaabulan

En mann og tre jenter står med hver sin fotball på en fotballbane. Mannen gir instruksjoner. Han er faren til en av jentene og treneren til jentelaget. Foto
GettyImages

Carruur badan ayaa ka qaybqaata firfircoonida la qabto wakhtiga firaaqada la yahay ee abaabulan. Waxaa laga yaabaa in ay ku jiraan naadi ciyaaro, ama waxay ku jiraan koox heesta. Qaar baa ku jira ururka speider, meesha qaar kale ka mid yihiin koox sawirro qaadda. Qaar badan oo firfircoonidaan ka mid ah ayay waalidku qayb ka yihiin. Ma laga yaabaa in ay hooyo tahay tababbaraha kooxda kubbadda gacanta? Ma laga yaabaa in waalidku ku moogtamaan geynta iyo ka soo qaadidda carruurta ee firfircooniyada kala duwan? Qofka Norway ku cusub ama meel cusub u soo guuray, waxay waxyaalahani u noqon karaan hab wanaagsan oo lagu barto dadka agagaarka deggan.

Shaqada ikhtiyaariga loo doortay

Shaqada ikhtiyaariga loo doortay waa shaqo aan qofku ahayn shaqaale caadi ah. Qofka mushaar laguma siiyo shaqada. Shaqooyinka ikhtiyaariga loo doortay muddo gaaban ayay socdaan – ma jirto cid wakhti buuxa ka shaqaysa shaqo ikhtiyaari loo doortay! Shaqada ikhtiyaariga loo doortay waxaa inta badan looga shaqeeyaa ururrada hadafkoodu yahay wax bulshada dani ugu jirto. Ururradaas waxaa ka mid ah Laanqaynta cas, naadiyada ciyaaraha, qabanqaabooyinka dhaqanka iwm.

Waddammada Iskandaneefiyaanka dad badan ayaa ka qaybqaata ururrada ikhtiyaariga ah. Waxyaalo cusub ayaa halkaas lagu baran karaa, saaxiibbo cusubna waa lagu kasban karaa. Qaar badan oo ururradaan ka mid ah ayaa ah kuwo lagu baran karo dimoqoraaddiyadda. Waxay ka-qaybqaatayaashu khibrad u yeelanayaan qaabka xeerarka dimoqoraaddiyadda, sida ka-qaybqaadashada shirarka, doorashada iyo codaynta. Qaar badan oo ka mid ah ururrada ikhtiyaariga ah ayaa saameeya go'aammada siyaasadeed ee heer deegaan iyo kuwa heer qaran labadaba.

Marka qofku ka qaybqaato mid ama dhawr urur wuxuu baranayaa dadka meeshaas deggan oo wuxuu dareemayaa in uu ka mid yahay bulshada deegaankaas. Qofku dad badan ayuu baranayaa, taas oo waxtar u yeelan karta marka la eego xagga shaqada, waxbarashada iyo nolol maalmeedka intaba.

En kvinne er i skogen. Hun har med seg en stor plastpose som hun kaster søppel i. Hun bøyer sge ned for å plukke opp en flaske hun kan kaste. Hun jobber frivillig med å plukke søppel. Foto
GettyImages

In la wada joogo

Bulshooyinka oo dhan waxay leeyihiin xeerar iyo sharciyo badan oo qoran. Waxaa ayagana jira xeerar badan oo la wada yaqaanno, laakiin aan meelna ku qornayn. Xeerarkaas way ku kala duwan yihiin dhaqammada kala duwan. Tusaale ka mid ah kuwaas ayaa ah sida aan isu salaanno. Norway waxaa caadi ka ah rag iyo dumar ba in gacanta la iska salaamo. Waxaa ayana caadi ah in gacanta la iska salaama marka la kala tageyo. Saaxiibbadu waxay inta badan isku salaamaan ereyga «ahlan», ama hab ayay isa siiyaan ama garabka ayay bac iska siiyaan. Marka la isa salaamayo inta badan waxaa la yiraahdaa: «Ahlan, iska warran?» Jawaabta caadiga ah waa: «Mahadsanid, waa fiicanahay. Ee adigu iska warran?»

Farget mann og hvit kvinne snakker sammen. Foto
GettyImages

Ajnebiga: Maalin booqasho ma iigu imaan kartaa?
Norwiijiga: Haa, waan jeclaan lahaa.

Bil kaddib:
Ajnebiga: Maxaad ii soo booqan weyday?
Norwiijiga: Ima aadan casumin.

Maxaa dhacay? Norway qofka waa in la casumaa maalin iyo saacad go'an. Waa dhif in norwiijigu saaxiibbadood booqdaan ayada oo aan horey loo sii ballamin.

Wada hadla

  • Muhiim miyaa in waalidku ka shaqeeyaan in ay carruurtu ka qaybqaataan firfircoonida la qabto wakhtiga firaaqada la yahay ee abaabulan? Haddii haa sheeg sababta, haddii mayana sheeg sababta?
  • Ma taqaannaa ururro ikhtiyaari ku shaqeeya oo ka jira meesha aad deggan tahay?
  • Ka dooda oraahda «Norway waa istaagi lahayd haddii aysan jiri lahayn dad si ikhtiyaari ah ku shaqeeya».
  • Waa maxay faa'iidada ku jirta in si ikhtiyaari ah loo shaqeeyo?
  • Sheeg xeerar aan qornayn oo aad horey u taqaannay.
  • Sheeg tusaale xeerar aan qornayn oo Norway ka jira.
  • Farqi weyn ayaa u dhexeeya sida ay dhaqammada kala duwan u arkaan martida, cawa-bariga, waxa looga baahan yahay qofka loo soo martiyay, muddada marti la ahaan karo iwm. Ka dooda waxyaalahaan lagu kala duwan yahay.
GettyImages
GettyImages

Dooro jawaabta saxda ah.

Maxaa loola jeedaa goobaha bulshadu ku kulanto?

Dooro jawaabta saxda ah.

Maxaa loola jeedaa shaqada ikhtiyaariga loo dortay?

Dooro jawaabta saxda ah.

Waa sidee Norway sida caadiyan qof loo salaamo marka ugu horreysa ee aad is aragtaan?

Dooro jawaabta saxda ah.

Maxay noqon kartaa faa'iidada ku jirta in la qabto shaqo ikhtiyaari loo doortay?

Dooro sax ama khalad

Akhri doodaha. Maxaa sax ah? Maxaa khalad ah?

Carruur badan ayaa ka qaybqaata firfircoonida wakhtiga firaaqada la yahay oo abaabulan.
Dadweynaha Norway boqolkiiba 20 ayaa si buuxda uga shaqeeya shaqo ay ikhtiyaarkooda u doorteen.
Iskandaneefiya way ku yar yihiin dadka qabta shaqooyinka ikhtiyaarka loo doortay.
Xeer aan qornayn waa xeer la wada yaqaanno, laakiin aan meelna ku qornayn.
Dadka norwiijigu waxay inta badan saaxiibbadood booqdaan ayagoon ballan hore la lahayn.